Warar naga soo gaaraya cariga UK ayaa sheegaya in dhowr nin oo kasoo jeeda Gobolada Sanaag iyo Haylaan oo ku sugan Magaaladda London ee Xaruunta Dalka Britain ayaa guriga uu ka dagan yahay Madaxweyna Maamulka La baxay Somaliland ku booqday islamarkaana u sheegay in deegaanka Maakhir iyo Dadkeeduba yihiin Somaliland.
Madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan gaadhay Magaaladda London kadib markii uu marti qaad ka helay Jaaliyada Reer Somaliland ee halkas ku dhaqan iyadoo la wada ogsoon yahay in uu asal ahaanba Siilaanyo degen yahay dalka Britain.
Ku Dhawaad 7 Qof oo kasoo jeeda Deegaanka Maakhir oo ku dhaqan Magaaladda London ayaa Guriga uu ka dagan yahay Magaaladda London Madaxweynaha Maamulka la baxay Somaliland ku booqday islamarkaana la qaatay kulan yagoo u sheegaya in ay metelayaan Jaaliyada Reer Maakhir ee UK.
Sida aanu ku helayno warar madax banaan Raggan ayaa waxay la kulmeen Axmed Siilaayo yadoo indhaha loo qalay oo ay dahaadhnaayeen islamarkaana ay ku jireen buushka loo galiyo qofka indhaha loo qalo, Siilaanyo Raggan kala hadlaya masiirka deegaanka Maakhir wajiyadooda ma uusan arkeyn in kastoo uu maqlyay sowdkii ay ku hadlayeen.
Raggan ayaa Waxay Axmed Siilaanyo kala hadleen Sidii Maamulka Somaliland loo gaadhsiin lahaa guud ahaan Deegaanka Maakhir taas oo dad badani u arkaan KHIYAANO QARAN isla markaana dhagartooda la iska jiro iyadoo ay tahey arintani talo xumo meeshii ugu danbeysey iyadoo ragani ay gumeysi qabiilkooda u baaqeen.
Jaaliyada Reer Maakhir ee Dalka Britain ayaa si weyn u dhaliilay Ragga la kulmay Axmed Siilaanyo Waxayna sheegeen in aysan raggaasi matalin Jaaliyada islamarkaana Wakiil ka noqon Karin waxayna ku tilmaameen raggaas Jaaliyadu kuwo si hoose ugu dusay Axmed Siilaanyo yagoo dano gaara ka raadinaya
Waxaa nasiib daro ah oo wax laga xumaado ah in Rag Sheeganaya Magaca Reer Maakhir in ay u dhuuntaan Axmed Siilaanyo oo lagu tuhun san yahay in uu xasuuq ba’an ka geystay Deeganada kala ah Xingalool,Carmale, Damala Xagare, Hadaaftimo, Jiidali iyo Ceerigaabo .
Ma Dhicin Xiligii Madaxweynaha ka ahaa Maamulka Somaliland Daahir Riyaale in Ragg tiradan leeg ay Magaaladda London ku soo dhaweeyana islamarkaana kala hadlaan Xaalada Deegaanka Maakhir marka laga yimado Shakhsiyaad si kale u jecel Somalinad oo u dusa Sidii neef yar oo Waxara.
LaasqorayNet-

December 6, 2010 at 3:15 am
KAAGAN SAHAL HADAAD RAG CAYAYSID HORTA ABTIR SIINYAHOODA SOO BARO MAJEERTENEYDAN AAD WAX XUN KA DHIGAYSID ANABA WAANAHAYE HADIIKALE REER MAAKHIR SAHAL LAMA BAXNO E HANAGU SOO DHUUMAN
December 5, 2010 at 10:17 pm
alaa kariim
December 5, 2010 at 4:34 pm
walaal,hadaa kaaagan qoray maqaalkaw aad noo hogaaminaysid punt laan iyo majeerteeniya , waad khaldantahay ku wan aad tiri siilaanyo ayay la kulmeen waa adoo kale , ee ama aynu noqono dad jira oo maamul samaysta oo isku xiran ,ama dadku waa xor ee hadaba galin , geelani midba meeshuu biyo ka halayo haraadka hayskaga bi iyo,
ilayn masuuliyiinta warsangali yurub iyo ameerica . ayay qaxwaha ku cabaan oo ay is waydiiyaan ,what is news today,
intaasay na ku qanacsanyahiin /////
qaarkalena waa dabadhilifyo ,u daba dhilif ah abada maamul,,,,,
sida kuwii gabay magaalada galgala oo majeerteen soo kaashaday,,,,,,,,,,,markaa walaal ilaah ayaan hogaan fiican ka sugaynaa,,,,,,,,,suldaan siciid ,,,,ma nin yarbaa oo wali maqaangaarin mise waa mayeeraan,,,,,,,,aad ayaan u jeclaan lahayn inaan suldaankayaga idaacadaha ka maqalo codkiisa,,,,,, faysal
December 5, 2010 at 12:14 pm
asc
salaan dabadeed waxaan ku talin lahaa dadkaas dhuuni-raaca ah in liiskooda banaanka la soo dhigo si kuwa ka dambeeya ugu quustaan dadkuna u ogaado waayo? in badan oo london la degan ayaan ogayn eedaysanayaashaa khayaamayay dalkoodii iyo dadkoodaba waa in shaaca laga qaadaa
December 5, 2010 at 10:58 am
Waa ayaan daro tii ugu danbeysey, waa in lala xisaabtamaa ragan
December 5, 2010 at 10:57 am
qof ku waa xor ciduu doonona wuu la kulmi karaa
December 5, 2010 at 7:53 am
kkkkkkkkkk
waa wax lala yaabo raganai wexey sameeyeen … waase wax taariikhda ugeli doonta waxan filayaa waa qolada qaadka laga joojiyey oo ku dhex wareersan Uk ama London siilaanyo waa siyaasi maaha nin shkhsiyaad shaxaad doona wax badan u faraya ninka noocaasiina in aanu metelin deegaanka waayo wax ay ka ogyihiin baaba iska yar isagaaba uga war roon inuu ku qoslona xaq buu u leeyahay waxanse leeyahay reer maakhir inta xalaasha ah waa la ogyahay wixii kalena daadka guga soo socda ayaa qaadi doona………… maakhir hanoolaato rag iyo rabiba waa leedahay ragaasi intey goori goor tahay cid kale iney is ku register gareeyaan ayaan kula talin lahaa
…………. salaam
December 5, 2010 at 2:13 am
Hadaba akhristoow salaan.
ragani waxay ka koobnayeen 12 nin ,siilaanyo markii ay u tageen waxay ku yidhaahdeen,waxaa tahay madaxweyne si xaqa loo doortay,waxaa tahay nin dadku jecelyiin,amaantii badnayd ee ay gudoomiyaha SNM amaaneen way kala jabeen oo qayb warsangeligii la kulmay siilaayo ka mid ahi waxay yidhahdeen,hadii aanu nahay warsangeli dhulkayagii dagaal ayaa majeerteen kuwadaa marka waxaanu kuugu nimi jaale madaxweyne in aad xuduuda soo xidhtid oo majeerteen ayaa macadantii soomaliland guranaya eh aad meesha ka saartid,gudoomiye silaanyo isaga oo dhoole cadaynaaya wuxuu ku yidhi ,ma atam ayaad ka hadlaysaan anagu atam garan mayno waxa uu yahay iyo wuxuu metalo waxaanse idiin sheegayaa somaliland hadii aanu nahay waa muqadas inaanu puntaland xaga abniga kala shaqayno,wixii horumara oo aanu idiin heli karaose waa idiin soo dadalaynaa.
qaybtii kale ayaa misena gudoomiyaha SNM weydiisay suaal ah waa nagu yaraysay saamigii qaybsashada golaha wasiirada,
jawaabtii gudoomiyaha SNM.
dadka oo dhan wax lama gaadhsiinkaro waqtigan waase idiin soo dadalayaa ayuu ugu jawaabay.
akhristooow,sidee u aragtaa xaalada nimankan warsangeli ama maakhir matelaaya.
warar badana waan hayaa
BOOBE72@HOTMAIL.COM