(Muqdisho – 01 Jannaayo 2011) – Raysal-wasaaraha Xukuumadda Ku-Meel-Gaarka ah, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Gobolka Banaadir hanashada koobka gobollada Soomaaliya, kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen kooxda Gobolka Bari. Wuxuu sidoo kale ammaanay kooxihii kale ee ka qeybgalay tartankaas.
Illaa 15 gobol, oo ka mid ah 18ka gobol ee ay Soomaaliya ka kooban tahay, ayaa ka qeybgalay tartankaas.
Raysal-wasaaraha ayaa yiri:
“Iyadoo uu yahay tartankii ugu horreeyay ee la qabto muddo 20 sano ah, waxaan aad ugu faraxsannahay waxa tartankaas uu u taray dhallinyaradeena iyo shacabka Soomaaliyeedba. Wuxuu horseeday is-dhex-gal bulsho – sida adkeynta nabadda iyo is-fahamka dhallinyarada iyo horumarinta xirfadda kubadda cagta maadaama tartankan uu naga saacidayo sidii loo xulan lahaa ciyaartoyda heerka sare.
“Tartanka 2010 wuxuu guul u ahaa shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u hambalyeyneynaa, una mahadnaqeynaa madaxda iyo shacabka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland inay si sharaf leh martigeliyeen koobkan qiimaha badan. Waxaan sidoo kale u mahadnaqeynaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta oo soo qabanqaabiyay tartankaas.
“Xukuumaddeydu waxay u aragtaa cayaaraha iyo tartannada noocan oo kale ah hab dhallinyarada looga dhigi karo kuwo waxtar leh. Qabanqaabiyeyaasha ha ku xisaabtamaan taageeradeena buuxda marka mustaqbalka la qabanayo tartannadan sanadlaha ah.”
LaasqorayNet
