webmaster@laasqoray.net

Raysal Wasaare Farmaajo oo Baaq Nabadeed kasoo Saaray Dagaalada ka Socda Deegaanka Buuhoodle.

(Muqdisho, 16 November 2010) Dowladda Federalka Ku Meel Gaarka ah (DFKMG) ah waxey tacsi u direysaa dadka soomaaliyeed ee waxyeeladu ku gaartey iyo intii ku dhimatay magaalada Qorilugud ee degmada Buuhodle. Waxayna EEBBE uga bareyeysaa in inta dhaawacantay uu EEBBE siiyo caafimaad deg-deg ah, intii ku dhimatayna in eheladooda iyo somalida uu ka siiyo samir iyo Iimaan.

DFKMG ah aad iyo aad bey uga xuntahay in dadka degaanka uu ka dhexdhaco qilaaf keenay dagaal oo dad soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen, kuwana ku dhaawacmeen. Degaanka Buuhodle waa degaan nabadeed oo ummadda soomaaliyeed ee degen ay horseed ka ahaayeen nabadda ka jirta aagaas. Falalka noocan oo kale ah waxay keeni karaan cadaawad sii dheeraata.

DFKMG ah waxey baaq nabadeed u direysaa maamulada, Cuqaasha, Culumaa’udiinka iyo dhammaan qeybaha bulshada ee degaanka ay dhibtaas ka dhacday waxeyna ugu baaqeysaa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada, laguna bedelo wadahadal, istixgelin, qadarin iyo heshiis waara oo dhexmara labada beelood ee ay xurguftu dhexmaray.

Siyaasadda DFKMG ah ayaa ah in ummaadda soomaaliyeed ay aayahooda ka tashadaan, kana qeybqaataan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo islaaxa ummadda dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ah Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa yiri “Aad iyo aad baan uga xunahay falalka sababay dhimashada iyo dhaawaca shacabka soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa dhammaan cid allaale iyo cidii wax ka geysan karta daminta collaada ummadda dhexdeeda si masuuliyad ku jirto. Waxaana ugu baaqeynaa labada beelood ee xurgufta dhexmartay inay si wallaaltinimo ah u galaan arrinka oo ay ka qeybqaataan sidii nabadda ka jirta goobahaas loo sii xoojin lahaa”.

-DHAMAAD-

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

One Response

  1. faarmajee wuxoo suu saroo yaa maqalayaa waa inan gumeed boon marxaan anigooo hadan nahay warsangeli waa noo cadow marxaan siyade baree naa kuu dar waa ninkeee general qorshel xidaay iyoo wax garadkeee warsangeli 1970 . dalkaa somaliaa dareeq baa isko xidaaa ilaa ksmayoo ilaa haergisaa iyoo taa bossasoo maa ogtaheen siyad iyoo maerxan iyoo basasentaa dulbahanti baa dedaay jidkaaa in laa mareyoo sanaag habeenkee markaa basasentaa dulbhanti laa shiree jireen marxankaa waxaay uran jireen warsangeli waa 31 NAF MAA LEEH SIYAD WAXAA LAGAA HAYAA WARSANGELI CIDANKEE DARWAISTAAA LABAA WAXOD BAA DILAAY CADOWADOO WAA HALKAA IYOO BOQORTOYADEE YAXEEE U SULDAN CALI DABLEE JEBIYEEE WCS