webmaster@laasqoray.net

Raysal Wasaare Farmaajo oo kula kulmay Jamuuriyada Jabuuti Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland.

Raysal Wasaare Farmaajo ayaa inta uusan u gudbin Magaaladda Adis Ababa ee Xaruunta Dalka Ethiopia ayaa waxa uu kulan kooban kula sii qaatay Jamuuuriyada Jabuuti Madaxweynaha Maamul Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole.

Raysal Wasaare farmaajo oo labo cisho ka hor gaadhay Magaaladda Jabuuti ayaa waxa uu kulan aan lasii qorsheyn kula qaatay hotelka kampeski ee Magaaladda Jabuuti.

Bariido iyo salaan kadib labada masuul oo ay wa heliyaan labadii wafti ee ay kala hogaaminayeen ayaa waxay kawada hadleen xidhiidhka Dowladda KMG iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Kulanka labada Masuul oo socday wax ka yar saacad ayaysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay yadoo wuu wali ku adkeysanayo Faroole in uu ka firisan doono Xidhiidhka Labada dhinac, halka Raysal Wasaare farmaajo ku qanciyay Mr Faroole in ay yeelan doonaan kulan balaadhan oo dalka ah islamarkaana uu sheegay farmaajo in uu iman doono Magaaladda Garoowe.

Faroole ayaa inta uu socday kulanku wuxuu ku soo cel celiyay in uu Farmaajo xidhiidhka u jaro Waxa uu ugu yeedhay Jabhad qas kawada Deegaanada Puntland taas oo u jeedayay Maamulka SSC.

Dhinaca Puntland Waxaa Faroole ku weheliyay Kulanka Wasiirka Arimaha Gudaha Ilkajiir, dhanka Xukuumada KMG ee Hogaaminayay Farmaajo ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Maxamed Oomar, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane.

Laasqoray.Net

Comments are closed.