webmaster@laasqoray.net

Raysal Wasaare Farmaajo oo Safarkiisi u horeeyay ku Tagay Jamuuriyada Jabuuti

Wafti uu Hogaaminayo Raysal Wasaaraha Xukuumada Fadraalka Mudane Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta buuqasho rasmiya ugu baxay Wadanka Jabuuti waxaana garoonka Jabuuti heegaan ugu jira Madaxda Dalkaa oo u horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waftiga uu hogaaminayo Raysal Wasaare  Farmaajo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed C/laahi Omaar, Wasiirka Maaliyada , Wasiir Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha iyo Saraakiil kale oo tirsan Xafiiska Raysal Wasaare Farmaajo.

Raysal Wasaaare Farmaajo ayaa wuuxuu casuumaad rasmiya ka helay Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Waxayna si guud uga wada hadli doonaan xaalada Soomaaliya iyo sidii ay Xukuumada Cusub ugu soo dabaali lahayd Xal u helida mashaakilaadka soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Raysal Wasaare Farmaajo ka duwan yahay Raysal Wasaraayaashii hore ee Soomaray Soomaliya yadoo marka la doorto ay  is xaadirin jireen Xaruunta Dalka Ethiopia halka uu Farmaajo Safarkiisi ugu horeeyay ku tagay Dalka Jabuuti oo ah Dal Soomaaliyeed oo wax badan u qabtay Umada Soomaaliyeed.

Comments are closed.