webmaster@laasqoray.net

Raysul wasaaraha oo booqdey xerada Badbaado

R/wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali oo maanta booqasho ku tegay xerada barakacayaasha badbaado ayaa wacad ku maray in ciqaabata ugu adag la marsiin doono kooxihii ka dambeeyay falkii ka dhacday xerada badbaado.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa magacaabay guddi wax ka qabta shaqaaqadii ka dhacday xerada badbaado oo ah xerada ugu ballaaran oo ay dowaddu dejisay dadka ku soo barakacay Muqdisho.

R/wasaaraha ayaa waxaa booqashiisa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyayaasha ciidamada waxa ayna u kuurgaleen xaalada barakacayaasha ku jira xeradaasi iyo saameynta ay ku yeelatay shaqaaqadii halkaasi ka dhacday.

Booqashada R/wasaaraha ayaa ka dambeeysay kadib markii kooxo burcad ah ay boob u geeysteen raashin loogu talagalay Barakacayaasha, waxaana halkaasi ka dhacay dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen saraakiisha booliiska

Radio Muqdisho+Laasqoray

 

Comments are closed.