webmaster@laasqoray.net

Raysul Wasaare Abdiwali oo Muqdisho kusoo noqdey kadib kulankii Faroole ee Nairobi

Raysul wasaaraha Dowlada ku meel gaarka ah Mudane Abdiweli Gaas ayaa Dalka dib ugu soo noqdey maanta kadib safar gaaban uu ku tegey Magaalada Nairobi isla markaana kula kulmay madax sare iyo xubnaha beesha Caalamka ee Nairobi fadhiya.

Waxaa kaloo dheeraa in Raysul wasaaruhu uu la kulmey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxman Farole.

Warar toos ah kama soo bixin kulankii Farole iyadoo ay saxaafadu isla dhexmareyso ineysan uga dhalan wax natiijo ah kadib markii Farole dalbadey in lagala tashada wasiirada ay Puntland ku yeelan doonto Dowlada Ku meel gaarka goleheeda Wasiiro ee lasoo dhisi doono.

Puntland oo aad u dayacan ayaa Madaxwenaheedu waxa uu aad ugu mashquulsan yahay hunguri ka haya Koonfurta iyadoo uu Farole ka taliyo 2 magaalo  isla markaana inta badan ee deegaanka Puntland aysan gacanta si toos ah ugu jirin.

Hore ayuu Faroole isugu mashquuliyey sidii uu u carqaladeyn lahaa Dowlada 1KM Ka talisa ee Ku meel gaarka iyadoo Shariif Sakiin xulufo la sameystey kadibna Shariif Xasan uu cidla uga dhaqaaqey isla markaana uu Faroole waxa uu kula hadlo madaxda iyo shacabka Reer Puntland uu garan waayey..

Gebo gebadii Raysul wasaaraha ayaa dib maanta ugu soo noqdey isla markaana laga filayaa inuu si deg deg ah golaha wasiiradiisa usoo dhiso iyadoo ay dalka Abaaro iyo dagaalo ba’ani ka jiraan.

Comments are closed.