webmaster@laasqoray.net

Raysul wasaare Farmaajo oo is casiley

Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta ku dhawaaqey is casilaadiisii la filayey iyadoo laba shariif ay dhoola cadeeyen isla markaana ay iyagu ku hareen masraxa foosha xun ee siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho iyadoo timi is casilaada Farmaajo kadib heshiiskii Kampala ee Uganda iyo hanjabaadihii is daba socdey ee ka imaneyey askarta Ugandhiiska ah ee jooga Xamar.

Sidoo kale is casilaada Farmaajo ayaa waxay timi kadib soo noqoshadii Shariif Sakiin oo dalka dib ugu soo noqdey iyadoo ay ciidamada AMISON ay ilaalo xoogan ka hayeen iyadoo looga cabsi qabey in Shariif Sakiin ay weeraro u geystaan taageerayaasha Farmaajo iyadoo u Hore Farmaajo ugu adkeystey inuu sii haynayo xilka inta uu baarlamaanku ka qaadayo xilka.

Farmaajo marka uu xilka iska casiley oo warqada uu isaga casiley u gudbiyey Madaxweynaha ayaa waxa uu la hadley Saxaafada Maxaliga ah isagoo sheegey inuu iska casiley xilkii uu u hayey Federaalka kadib markii uu culeys badan kala kulmey Dalalka shisheeye ee walaaqaya arimaha Soomaaliya.

Heshiiskii Kampala ayaa waxaa ku cadaa in Madaxweynaha uu soo magcaabayo raysul wasaare cusub iyadoo madaxweynaha iyo raysul baarlamaankaba ay xilka sii kororsadeen mudo 12 bilood ah.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.