Roobabkii raxmaadka Ilaahiga ahaa ayaa waxay ka curteen Gobolada Soomaaliya Qaarkood weliba kuwii ugu darnaa oo ay abuuruhu sida ba’an u saameeyeen isla markaana tuugsi Rabi weyne loogu jirey inuu raxmada u keeno.
Goobo ku yaala Gobolka Sanaag gaar ahaan Baran iyo agagaareerkeeda ayaa maanta waxaa heley xoogaa roob ah oo umadu iyo duunyaduba ku diirsadeen isla markaana la rajeenayo inuu sii bato.
Sidoo kale Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn iyo tuulooyinka u dhow dhow ayaa waxaa heley roobab fiican iyo biyo dhigeen ah isla markaana dad iyo aduunba ku qaboobeen.
Sidoo kale Qeybo ka mid ah Gobolka Bari oo isna ka mid ahaa goobaha ay saameeyeen Abaaruhu ayaa waxaa heley roobab mahiigaan ah oo isla markaa xareed dhigey oo togaga iyo baliyada biya ka daadshey.
Degmada Qandala iyo agaageerkeeda ama tuulooyinka u dhow dhow ee isla gobolka Bari ayaa sidoo kale waxaa heley roobab lagu diirsadey oo raxmaadi ah.
Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya oo ahaa gobolada ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ayaa sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa iney heleen roobab mahiigaan ah isla markaana qaboojiyey aduun iyo dadba.
waxaa xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafey ay roobab fiican ka da’een Waqooyi galbeed ee Somalia gaar ahaan Koonfurta Magaalada Hargeysa oo isla markaana aad u biyo dhigey.
LaasqorayNET-Dubai
