webmaster@laasqoray.net

Roobab weli ka da’aya Sanaag oo lagu diirsadey

Raxmaadkii ilaahey ayaa wali waxay ka da’ayaan goobo ka mid ah gobolka Sanaag iyadoo magaalooyinka Ceerigaabo iyo Xingalool oo si fiican uga curtey iyadoo magaalooyinkan dhul daaqsimeedka iyo beeraha u dhow dhowna uu ka da’ay roobkani.

Roobab sidan oo kale ah ayaa waxay hore uga curteen Degmada Badhan iyo buuraha Calmadow iyadoo roobabkani ay ku diirsadeen dad iyo aduun iyadoo loo baahi qabay oo ay jirtey biyo yaraan aad u baahsan isla markaana qeylo dhaan laga soo direy xaaladaha abaarihii.

Sanaag oo ka mid ah gobolada ay abaarahani saameeyeen ayaa hada waxa uu egyahay mid ay umada ku nool uu Allah Barigoodi rabigood ka aqbaley iyadoo ay roobab u da’een isla markaana weli cirku cusub yahay.

Sidoo kale Gobolada Soomaaliya intooda badani ayaa waxaa ka curtey roobab aad loogu diirsadey isla markaana wax ka bedeli doona xaaladaha abaaraha e ka jira gobolada Soomaaliya.
LaasqorayNET-

Comments are closed.