webmaster@laasqoray.net

Sacid Cali Nugaal oo si xaq daro ah ugu xiran Dalka Senegal

Saciid Cali Nugaal oo ah Ganacsade u dhashey Gobolka Sanaag ayaa in Mudo ah ku xiran Dalka Senegal caasimadiisa Dhakar iyadoo si xaqdaro ah uu ugu xiran yahay dalkaas kadib markii lagu been abuurtey oo nin u dhashey dalkaas uu dowlada Senegal u dacwooday isla markaana Mudane Saciid isagoo an wax maxkamad ah lasoo taagin la iska xirtey.

Saciid Cali Nugaal oo Dhalasho Canada ah Wata ayaa Dowlada uu dhalashadeeda haystona aysan wax haba yaraatee la sheego u qaban isla markaana ka aamustey xarigiisa iyadoo Dowlada Senegal ay Dowlada Canada u gudbisey ineysan ninkaasi Denbi ku ogeyn tan iyo intii uu ku noolaa Dalkeeda.

Wararka kasoo baxay Dalka Canada ayaa sheegaya in Dowlada Canada ay war ka hayso xaalada Saciid Cali Nugaal hase yeeshee xogta dhabta ahi waxa weeye ineysan Dowladaasi aysan wax la weyn oo la taaban karo aysan ka qaban dhibane Saciid Cali Nugaal

Dhibane Saciid ayaa Senegal sanadihii ugu danbeeyey ku sugnaa Caasimada Dalkaas isagoo ka wadey dalkaas Ganacsi ku saabsan dhismaha Guryo cusub isla markaana markiisii hore ka ganacsan jirey Dalka Emaaraadka Carabta, gaar ahaan Magaalada Dubai isagoo dhowr ganacsi oo kala duwanna ka sameeyey oo isugu jira Kaluumeysi iyo raritaanka badeecooyinka kala duwan.

Guud ahaan ganacasatada Soomaaliyeed ayaa isaga dhiban caalamka iyadoo xitaa kuwa sita Jinsiyadaha reer Galbeedka aan sidaa loo tixgelin iyadoo dalalka Afrikaanka ay yihiin kuwa dhibka badan u geysta Ganacsatada Soomaaliyeed.

Comments are closed.