webmaster@laasqoray.net

Saddex Ruux oo Lagu Dilay Gaalkacyo iyo Deegaanno Hoos Yimaada iyo Xaaladda Magaalada Kacsan Maanta.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta lagu dilay nin ganacsade kaasi oo uga sii daray xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo maal mahan laga dareemaayey xiisad colaadeed taasi oo u dhexaysa beelo wada dega Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dilka Ganacsadaha ayaa ka dambeeyey dil habeenkii xalay labo ruux loogu gaystay meesha lagu magcaabo Godad oo dhinaca Bari kaga aadan Magaalada Gaalkacyo, ragga lagu dilay Godad ayaa kasoo jeeda dhinaca maamulka Galmdug halka ninka ganacsadaha uu kasoo jeedo dhinaca Puntland.

Falalkan dilka ah ayaa la xiriira dagaal beeleed maalintii Arbacada ka dhacay Deegaanka Cinjir Jariidda oo dhinaca Airpor-ka Magaalada Gaalkacyo uga aadan 14-km, sidoo kale dagaalkaasi ayaa waxaa ka dambeeyey dilal maalintii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo iyo dhulka miyiga ah kuwaasi oo dhexmaray dhinacyada uu u dhexeeyey dagaalkii hore.

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kacsan waxaana ka taagan xiisad ka dhalatay dilka loo gaystay ninka ganacsadaha ah ee maanta lagu toogtay bartamaha suuqa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Guud ahaanba Suuqa ganacsiga ayaa albaabadu loo laabay waxaana Magaalada laga dareemay jawi dagaal iyadoo laga cabsi qabo isku dhac gudaha Magaalada ku dhexmara kooxaha ku dagaalamay dhulka miyiga kuwaasi oo aan xilligan dagaalkoodii usoo weeciyey gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah waxgaradka labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo loo kala deggan yahay oo ka hadlay dilalka ka dhacaaya gudaha Magaalada ayaa siweyn u cambaareeyey waxayna sheegeen in ay siweyn uga xun yihiin dagaalka Miyiga in Magaalada lasoo geliyo iyaga oo ku baaqay in la joojiyo dhamaan xiisadaha ka jira Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka waxaa ka jiray dadaallo nabadeed oo ay wadeen maamulada labada dhinac iyo waxgaradka ka kala socda labada dhinac iyada oo ay dadaalaasi socdaan ayaa hadana waxaa ka bar bar socda dilalka loo gaysanaayo dadka kasoo kala jeeda labada dhinac taasi ayaa hal bacaad lagu lisay ka dhigtay dadaaladda nabadeed ee ay wadaan waxgaradka iyo masuuliyiinta maamulada.

Sikastaba xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa xilligan qasan lamana oga meesha ay ku dambayn doonto walow ay jiraan dadaallo ay wadaan waxgarad raba in ay ka hor tagaan xiisadda dagaal cabsida ugu wayn ee Magaalada hadda ka jir ah ayaa in uu dhaco iska hor imaad dhexmara labada dhinac.

Laasqoray.Net-

Comments are closed.