Waxaa dadweynaha ku dhaqan Gobolada Waqooyi galbeed, Togdheer ay maanta ka sameeyeen deegaanadooda Roobdoon iyadoo magaalada Hargeysa ee caasimada Goboladaasi isugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan oo Ilaahooda ka baryaya in allah uu xaalada abaareed wax ka bedelo.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo ayaa magaalada Berbera oo uu maalmahanba uu ku sugnaa waxa uu ka qeyb galey roobdoontii maanta ka dhacdey magaaladaasi.
Gobolada Somalia ee Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka jira abaaro aad u ba’an oo ay saameysey dad iyo duunyoba iyadoo talaabadan ay dadku Allahooda ku baryayaan ay timi abaarahan oo noqdey kuwo culus.
Dhamaan dul daaqsimeedka ayaa ah kuwa nabaad guur ah kadib markii roobkii la waayey iyadoo taasina ay keentey in dad badani oo xoolo dhaqato ahi ay waayaan xoolohoodii isla markaana magaalooyinka iskeeney.
Sidoo kale Gobolada Baay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Mudugta Koonfureed iyo Gedo ayaa abaarahani si ba’an u hayaan iyadoo ay jiraan in dad ay ku dhinteen haraad iyo gaajo isla markaana aan waxba laga qaban.
Waxaa xusid mudan in Gobolada Maakhir ay iyaguna sidoo kale yihiin kuwa si weyni ay usaameysey abaarahan iyadoo uu dheer yahay Gobolada kale ee Waqooyiga Somalia ama ha noqdeen Kuwa Puntland ama kuwa Soomaaliland in lagu muran sanyahay isla markaana 2ada Maamulba aysan wax biyo dhaamis ah ama qiimeyn ah usoo dirin Goboladan.
LaasqorayNET+Wakaaladaha Wararka
