webmaster@laasqoray.net

Sanad Kadib Xasuuqii Hotel Shaamoow oo Laga Xusay Magaaladda Muqdisho.+Sawirro

Munaasabadan loogu magacdarey baroordiiqda iyo xuskii xasuuqii Shamow oo ay ka soo wareegatay muddo sanad ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan  Baarlamaanka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Ururada Bulashada iyo Marti sharaf kale.

Jawiga oo ahaa mid ka duwan Munaasabadaha caadiga ah  waxay ka soo qeyb galayaasha oo si aad ah u tiiraayeysnaa ayaa waxay dadku ku labisnaayeen funaanado ay ku qoran yihiin erayo dadka xasuusinaya Murugadii maalintaas iyadoo halkaas lagu soo bandhigay riwaayad loogu magac darey Taariiqda aan Dhumin iyo dhabbana heysta oo jilayeen qaar ka mid ah fanaaniinta Hobolada Waabari.

Munaasabadan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimey Ururrada haweenka iyo dhalinyarada Qaranka, waxaana ugu horeyn ka hadlay  Mahad Diiriye Cabdi oo ah agaasimaha xafiiska dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed,  wuxuuna sheegey in dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka codsanayaan in deeqo waxbarasho la siiyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen Dadkii lagu xasuuqay Qaraxahaas iyo maamulka jaamacadda Banaadir.

Marwo Xaliimo Macalin Abiiker oo ka mid ah Ururka Haweenka Qaranka kuna hadashay magaca Ururkaas ayaa sheegtay in maalintan ay tahay maalin xusuus muruga leh oo saameyn qalafsan ku leh shacabka Soomaaaliyed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmer Nuur “Tarsan” oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey Munaasabada ayaa sheegay in maalintii Shaamow ay ahayd mid astaan u ah duulaanka lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaallanka hormarka umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa sheegey in dhibaatadan looga gudbi karo kacdoon shacab, wuxuuna umadda ugu baaqey in ay midoobaan oo ay cadowgooda iska xoreeyaan.

Xubin ka mid ah Ururka dhalinyarada SEYMO oo Munaasabada ka hadlay ayaa  sheegey in shacabka Soomaaliyeed ay maalintan la wadaagayaan murugada ay  ku jiraan.

Dhacdadii Shamow ee 3 dii bishii December  oo ah xasuus aan ka hareyn maskaxda umaddan iyo taariikhda jiilka soo socda ayaa dad badan waxa ay aaminsan yihiin in xisaabteeda maalin buugga loo furi doono, islamarkaana danbiilayaashii soo abaabulay falkaasi wuxuushnimada ah cadaaladda la horkeeni doono.

Geesiyashii ku baxay Xasuuqaasi ayaa waxaa loo sameeyey astaamo waa weyn sida masjid loogu magacdarey masjidul shuhadaa,  bilado la gudoon siiyey eheladii ay ka geeriyoodeen iyo suugaan ka turjumeysa Waxqabadkoodii iyo howlkarnimadoodii muddadii ay Dalka u soo shaqeynayeen.

Sawirada RadioMuqdisho.Net

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

2 Responses

  1. Diinta islaamku hadii aytahay tan diimaha ugu wanaagsan uguna saxan maxeytahay dhibaatada ay muslimiint iskuhaayaan? dadka kalene maxey u xasuuqaan? maxaase looga cabsanayaa dadka islaamka ah? Maxeyse dhibaatadu ugubadantahay dalalka islaamka sida; iraq, afghanistan, yeman iyo somalia?????
    Su’aalahaasi anigoo arday ah ayaa laigu weydiiyey dibada waxana iweydiiyey none muslim people waxana ugu jawaabay; hadii aad ubaahantahay gaariga uguwacan gawaarida maxaakulaguboon inaad iska eegto? Madarawalka iyo aqoontiisa mise gaariga iyo tayadiisa, birahiisa, miraayadihiisa, matoorkiisa taayaradiisa, campaniga soosaaray iyo dalka lagu sameeyay? BMW car is better than toyota car and also faster than it marka darawal aanan garaneyn hadii BMW loodhiibo shilalkiisa ayaa badanaa dadka wuu kuxasuuqi
    Diinta islaamka dhibka heystaahi waa mid qura juhalo iyo waxmagarato ayaa hogaankeedaa sheeganaa marka magaranayaan oo dadka ayey kulaayaan ayagune wey isku xasuuqaan.
    Marka dadka maan eegeeyno ee diinta ayaan eegeeynaa iyo wanaageeda

  2. Mahadkadib aan u mahadnaqey bahda warbaahinta sida websitekaan
    Xasuuqa waxgaradka iyo indhaha bulshadu maahan aragti islaam iyo mid soomaaliyeed
    Ubax nuur shaikh oo kamid ah ardadii kaqalin jabineysay gobolka hyderabad ee India JNTU university sanadkii lasoo dhaafay hadalkey tire waxaa kamid ahaa: waxbarshadu waa iftiin waana furaha dalka iyo dadka qofkii waxbartaahine wuxuu awoodaa inuu soosaaro ubad wanaagsan.
    Gabadha qurbaha qaraarkeeda iyo waxbarasha xanuunkeeda udulqaadatay oo fikirkaas leh waxa layaableh iney dad sheeganaa diin iyo wadaadnimo ay xasuuqaan ardadii qaranka, macalimiintii, dhaqaatiirtii iyo waxgaradkii dalka iyo dadkeyna macaan ee soomaaliya.