webmaster@laasqoray.net

Saraakiil Somaliland ah oo gacanta lagu soo dhigey

Xoogaga Daraawiishta ayaa gacanta ku dhigay Wafti heersare ah oo ka tirsan madaxda Gobolka sool ee somaliland ee ka taliya magaalada Laascaanood.

DSC06259

Sirdoonka gobolka Sool ee Maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyey in waftigani ka baxeen kuna wajahan yihiin degmada taleex iyagoo loo diyaariyey xoogaga daraaawiishta kuwaasoo gacanta ku soo dhigay dhamaan madaxdii iyo baabuurtoodii iyo ciidamadii ay wateenba.

DSC06217

Waftigan oo isugu jiray Saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay taliyihii ciidamada somaliland Aaga ee Gobolka Sool Col/Maxamed Shere Maxamed Dhoodi, guddoomiyihii maxkamada Salaad Cawar Iyo reer Ilaaliyaha Sandaqad Gobolka Sool, gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka sool Goohe, Saraakiil iyo madaxkale ayaa xoogaga Daraawiishtu waxay ku khasbeen inay is dhiibaan iyagoo ugu yaraan 4afar gaadhi oo ay wateen lagala wareegay.

DSC06248

Waxaana la soo galiyey saaka hiirtii Baabuurta iyo Maxaabiistii lagaga qab qabtay Jab-hadda siilaanyo oo haysata gobolka sool iyadoo dhaawaca inta aan xaqiiqsanay tahay ugu yaraa 11 dhaawac ah.

103_0234

Waftigan ayaa ka tagay magaalada laascaanood iyagoo ku sii jeeday Degmada Taleex ee isla gobolka sool ,waxaana xoogaga daraawiishtu ka warheleen habeenimadii in ciidamadaas iyo madaxdaasi ku wajahan yihiin degmada taleex taasoo ay ciidamadu ku guulaysteen Hawl galwayn oo ay fuliyeen.

DSC06265

Xoogaga Daraawiishta ayaa kala wareegay naf iyo maal wixii saarnaa waxaana maxaabiista lagaga qab qabtay maamulka siilaanyo la soo gaadhsiiyey magaalada Garoowe ee xarunta puntland

Xigasho SPR

 

Comments are closed.