webmaster@laasqoray.net

Sarkaal u dhashey Beesha Sool oo kasoo goostey Somaliland

Beesha Dhulbahante oo in mudo ahba kala yaacsaneyd ayaa dagaalkii Kalshaale ka dhacay u noqdey mid mideeya kadib markii ay ciidamo ku gaashaaman 5 Gaari oo Xamuul iyo kuwa dagaalka isugu jira ay kasoo goosteen Maamulka Somaliland oo in mudo ahba laaluush ka qaadaneyey.

Ciidamadan oo uu hogaaminayey Col  Axmed Dalbac oo ka mid ahaa ragii Xaabsade raacsanaa xiligii Laascaanood ay g acanta u gashey Maamulka Somaliland ayaa ciidamo lagu qiyaasey 100 lasoo goostey isla markaana Degmada Buhoodle si diiran loogu soo dhoweeyey.

Talaabadan oo ay qaadeen ragii hore aadka uga ayidsanaa Somaliland  ee beeshan ayaa waxay dhabar jab ku noqoneysaa Somaliland oo dagaalkii ugu danbeeyey khasaare lixaadleh kala kulantay.

Maleeshiyaadka SNMta ee ayaa u eg mid ku bahoobey 1 qabiil iyadoo ay warar kale sheegayaan in ciidamo kale oo beesha Dhulbahante u dhashey ay kusoo fool leeyihin Buhoodle isla markaana ku biiraya Ciidamo beeleedka xoriyad doonka ah.

Waxaa sidoo kale dhaq dhaqaaq ciidan uu ka socdaa Koonfurta Sool iyadoo ciidamo uu Axmed Karaash uu hogaaminayo la sheegayo iney tijaabiyeen hubka qaarkiisa isla markaana tusaaleyneysa dagaal soo socda.

Beeshan ayaa talaabada ay qaadey noqoneysa mid mideyn doonta iyadoo duulaank qarsoon ee haraagii SNM ay doonayaan iney kula wareegaan deegaano aysan u dhalan.

Sidoo kale waxay tani tusaale u noqoneysaa Dabdhilifyada ka dhashey beesha Warsangeli oo iyagu dhowaan bilaabey dayaacado raqiis ah isla markaana kusocda wadadii hore loo marsiiyey beesha Dhulbahante.

LaasqorayNET-Bosaaso

Comments are closed.