Bosaaso: Shaqaalaha shirkadda Golis Telecom Somalia oo tababar ugu soo xirmay magaalada Bosaaso maalintii sabtidaTaarikhduna ay ahayd 4/6/2011. Waxaa tababarkaas lagu qabtey rugta shirarka iyo tababarada ee shirkadda Golis Telecom Somalia.
Tababarkaas ayaa halkudhigiisu ahaa: “Badbaadadu waa qofwalba shaqadiisa”.
Shaqaalahaas la tababaray ayaa waxaa la gudoonsiiyey shahaadooyin muujinaya in ay tababarkaas qaateen kuna dhamaysteen mudadii loogu tala galay.
Munaasabadaas shahaadoo siinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda shirkadda Golis Telecom Somalia.
U jeedada tababarkaas ayaa ah tababarida tababarayaasha, kuwaas oo tiradoodu ahayd 11 tababarte oo ka kala socdey dhamaan xafiisyada shirkadda Golis ay ku leedahay Puntland Somalia.
Tababarkaas ayaa ku saabsan “HSSE” (Health, Safety, Security and Environment). Oo ah barnaamij ay shirkadda Golis Telecom Somalia ilaa 2008-dii ku tababareeysay dhamaan shaqaalaha shirkadda.
Waxaa sidoo kale tabartayaashu lagu tababaray first Aid-ka oo ah (gurmadka degdegga ah).
sida; caawinta qofka dhaawacyadu soo gaaraan iyo gargaarka xaaladaha: gubashada,jabniinka,suuxida, IWM.
A: Waa maxay “HSSE” ?
HSSE waa barnaamij ujeedadiisu tahay Badbaadinta Hantida, shaqaalaha iyo sumcadda shirkadda iyadoo loo maraayo qodobadaaan hoos ku xusan oo ah siyaasada guud ee laga leeyahay qaadashada Barnaamijkaan:
- In Dhaawaca laga ilaasho shaqaalaha shirkadda iyadoo la adeegsanayo Tababaro,wacyigelin iyo Aalada ka hortagga khatarta ee shakhsi kasta oo shaqaale ah, sida Personal Protective Equipment PPE
- In marwalba la horumariyo Aalada shirkadu adeegsato si loo baajiyo dhib uga timaada shaqaalaha, Mujtamaca iyo degaanka)
- In la hubiyo in aan shaqooyinka – Operations-ka shirkadu waxyeelo u geysan degaanka.
B: Goorma ayeey shirkadda Golis Telecom bilaawdey ku dhaqanka iyo adeegsiga “HSSE” ?
Bishii January sanadku markuu ahaa 2008-kii ayaa shirkadda Golis Telecom Somalia Biloowday taabo galinta iyo adeegsiga barnaamijka HSSE.
Mudane C/xakiin Cali Hirad oo ah aqoonyahan ku xeel dheer tababiradda shaqaalaha, hiirad wuxuu waayo-aragnimo gaareeysa 32 sano u leeyahay ku tababarida shaqaalaha HSSE-ka.
C: Tababarada la qabtey iyo wixii la baray shaqaalaha
March -2008 ayaa waxaa la tababaray shaqaale gaaraya 215, sidoo kale May 2011 waxaa la tababaray shaqaale gaaraya 363 ruux,shaqaalahaas ayaa waxaa lagu tababaray sidaan hoos ku qoran:
- Dabka sida looga hortago iyo sida loo damiyo
- Sida loo isticmaalo Dabdamiyaha laba nooc oo kala ah: CO2 iyo Dry chemical powder.
- Safety of Working at heights ( fuulista iyo ka shaqaynta meelaha ay ka midyihiin Taawarada iyo anteenooyinka)
- Safe driving ( baabuur wadid –shil la’aan)
- Bad baadada dadka ka shaqeeynta alxaamida iyo rakibidooda.
- Accident prevention ( ka hortaga shilalka) oo loo kala qaybiyo afar kala ah : mid shaqaalaha (people) dhaawicikara , mid maalka (asset) shirkada waxyeelikara , mid bey’ada (Environment) waxyeelikara iyo mid sharafka Golis (Reputation) wax u dhimikara.
- Waxyaabaha shilalka keena (Causes of accidents)
- Wexeey Golis sameeysatey qorshe hawleed sanadle ah oo ku saabsan barnaamijka HSSE-ka.(Golis 2011 HSSE plan)
D: Guulaha shirkadda Golis ay ka gaartey HSSE-ka
Barnaamijkaas ayaa guulihiisa waxaa lagu tilmaami karaa laga soo bilaabo 2008-kii ilaa 2011-kii sidaan hoos ku xusan:
- In la doortay qalabka dabdamiska ku haboon Golis , oo isla markaas lasoo gaday oo la keenay laguna rakibay meelihii loo cayimay kuwaas oo ay ka midyihiin baabuurtu.
- In loo diray Gobolada oo dhan qalabkaas laguna rakibey iyadoo horey loogu calaamadiyey meelaha lagu dejinayo.
- In la doortay qalabka ku haboon shaqaalaha Golis lana dalbay kuwaas oo ah nooca loo yaqaan PPE (personal protective equipment)
- Waxa la arkay in shaqaalaha Golis ay fahmeen kuna qanceen faa’iidada HSSE tusaalena waxa u ah in ay hadda caadi noqotay in “Suunka-safety belt” la xirto.
- Dabab ka kala dhacay Bossaso iyo galkacayo oo shaqaaluhu damiyeen 2009-kii waa “Zero Accident” ama “Accident Free 2009” shil ma dhicin.
- In la qaatay hal-ku-dhig na ay Golis u noqotay—Safety is everybody’s business—badbaadadu waa qofwalba shaqadiisa iyo customer is always right ( macaamiishu marwalba iyagaa saxsan).
- Shaqaalaha oo si dhab ah u daneeyey HSSE- ka oo si joogta ah marwalba u dalbada in tababaradii ay hore u qaateen lasii kordhiyo.
- In la lambariyey (assest register) dabdamiyaasha oo dhan.
Waxaa xusid mudan in inta badan shaqaalaha Golis lagu tababaray barmaajikaas,shirkaduna higsaneeyso in tababar intaas ka badan loo qaban doono shaqaalaha shirkadda Golis Telecom Somalia.
Shirkadda Golis wexeey noqotey shirkadda kaliya markii la eego shirkadaha isgaarsiinta ee ka hawl gala gudaha dalka somaliya ee ku dhaqanta adeegsiga HSSE-ka oo ah barnaamij looga hortagaayo khataraha ka dhalan kara inta ay shaqadu socoto isla markaasna badbaado u ah shaqaalaha iyo deegaanka.
Ma jiraan qawaaniin ku qasbey shirkada Golis in ay fuliso adeegsiga HSSE-ka. Kaliya waxaa jira dareen xilkasnimo ah oo ka yimid maamulka shirkada.
Xafiiska la Xiriirka Dadweeynaha (Public Relationship Department) .

