webmaster@laasqoray.net

Sheekh Cumar Faaruuq oo ku geeryooday Dalka Sacuudiga

Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh Cabdi Suldaan oo ka mid ahaa culumada ugu waaweyn uguna aqoon dheeraa geyiga Soomaaliyeed ayaa ku geeryooday Magaalada Jedah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Sheekh Cumar Faaruuq oo lagu yaqaaney aqoon sare dhinaca Shareecada Islaamka isla markaana ka mid ahaa daaci aad loo yaqaano oo dad badani aqoontiisii ka aflaxeen ayaa geeridiisu aheyd mid ka wada nixisey Umada Soomaaliyeed.

Alaaha Waara mooyee cidkale way wada tegi, Sheekh Cumar Faaruuq ayaa booskiisii uu ka hayey fidinta Shareecada Islaamka iyo tawxiidka Rabi weyni loo aayi doonaa.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ku dhashey Somalia galbeed gaar ahaan Degmada Qalaafe iyadoo uu Sheekhu ifka ugaga tegey ubad gaaraya 15 oo ay ku jiraan 9 wiil iyo labo xaas.

Sheekh Cumar ayaanu Rabi weyne waxaanu uga baryeynaa inuu Janatul Firdowza ka waraabsho kana dhigo kuwa agdhow Nabigeenii Suubaanaa ee Maxamed, Calayhi Afdalu Salaati wa’Atumu tasliimaati.

Waxaanu kaloo rabi weyne uga baryeynaa Ubadkii, Ehelkii iyo Qaraabadii iyo weliba Asxaabtii umada Islaamka ahba uu Samir iyo iimaan ka siiyo, naga wada dhiga kuwa cilmigiisii duubnaa kasii wada faaiideysta.

Alahoyow Janadii Firdowza ka waraabi. Aaamiin, Aamiiin, Aamiiin.

Bahda LaasqorayNET

Comments are closed.