Hogaamiyaha Ciidanka deegaanka Galgala Sheekh Maxamed Siciid Atam oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayaa ka warbixiyay dagaaladii iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee dhex maray Ciidamada deegaanka iyo kuwa Maamulka isku magacaabay Puntland.
Sheekh Maxamed Siciid Atam wuxuu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ay ka dhaceen muddo haatan bil laga joogo,isagoona xusay in dagaalkaasi oo ahaa mid culus ay ku dileen inkabadan 90 Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka la baxay Puntland,islamarkaana dhinacooda looga dilay labo dagaalyahan.
Sheekh Atam waxa uu ku nuux nuuxsaday inay jab culus gaarsiiyeen Ciidamada Maamulka la baxay Puntland kuna qasbeebeen in Ciidamadooda ay isugu geeyeen gudaha deegaanka Galgala,wuxuuna tibaaxay inay ku suganyihiin meel si aad ah ugu dhow deegaanka Galgala.
Hogaamiyaha Ciidanka deegaanka Galgala Sheekh Maxamed Siciid Atam waxa uu sidoo kale ka warbixiyay Shirkad Ajnabi ah oo heshiis la gashay Maamulka goboleedka Puntland,taasi oo dhawaan Hub iyo saanad kasoo dajisay dekadda magaalada Boosaaso.
Dhagayso waraysiga oo dhameystiran
Waxa uu sheegay in Shirkadaasi ay tahay Shirkad macdan qodista qaabilsan oo ka diiwaangashan dalka Mareykanka,islamarkaana hadafkeedu uu yahay sidii ay u guran laheyd kheyraadka ku jira dhulka ku dhow dhow magaalada Boosaaso gaar ahaan deegaanka Majiyahan.
Sheekh Atam ayaa sheegay inay sidoo kale xog ku heleen in Shirkadaasi ay doonayso in haraadiga waxyaabaha kasoo hara warshadaha gaar ahaan Hubka Nukliyeerka ay ku shubto Xeebaha ku yaala Maamulka goboleedka la baxay Puntland,wuxuuna Carabka ku adkeeyay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo si sharci darro ah ku raranaysa kheyraadka uu Allah ku maneystay deegaankooda.
Dhanka kale Sheekhu waxa uu ka waramay dagaalada kasoo cusboonaaday qeybo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya,isagoona sheegay in dagaaladaasi hurintooda ay ka dambeeyaan Maamulka Puntland,wuxuuna beelaha walaalaha ah ugu baaqay inay ka waantoobaan dagaalada kasoo dhex cusboonaaday.
FG: Xuquuqda waraysiga iyo warbixintaba waxaa iska leh Idaacadda Alfurqaan
