Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shriif Sh.Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Bujunbuura ee dalka Burundi.
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan R/wasaare ku xugeen ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duwa Magaalada Muqdishi ayaa la filayaa in muddada ay joogaan halkaasi ay kulamo la qaataan madaxda ugu sarreeysa dalkaasi oo ay kala hadli doonaan arimo ku saabsan amaanka dalkeenna Soomaaliya iyo guulaha ay ciidamadu ka gaareen howlgalka Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa magaalada Bujambuura ee caasimadad dalka Burundi kula kulmay dhiggiisa dalka Burundi
Kulanka labada madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray arrimo fara badan oo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan dhinacyada siyaasadda , Ammaanka iyo gargaarka baniaadaninmada.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh Shariif ShAxmed ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha burundi sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dowladdood.
Safarkaas deg deg ah kadib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdigiisa ayaa goor dhow dalka dib uugu soolaabtay.
LaasqorayNET+RadioMuqdisho
