webmaster@laasqoray.net

Sheekh Shariif oo u duuley Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Ku meel gaarka ah ee Dowlada Somalia Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka degey Jamhuuriyada Jabuuti iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in madaxweynuhu uu safaro kale uga sii gudbi doono.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliya masuuliyiin fara badan oo ka mid ah Xukuumada hada jirta iyadoo uu garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti uu kusoo dhoweeyey Madaxweynaha dalkaasi.

Waxaa xusid mudan in labada Masuul ee ugu sareeya Taliska Somalia ay ka maqan yihiin dalka iyadoo hore uu u anbo baxay Raysul Wasaare Farmaajo oo ku sugan dalka Mareekanka.

Ka hor inteysan bixin Labadan masuul waxaa dalka ka maqnaa Raysul Baarlamaanka Federaalka Shariif Xasan isagoo safar dheer ku tegey dalka Iiran isla markaana dhowaan dalka kusoo noqdey.

Dhoofitaanka iyo tamashleynta Madaxda Dalka waxay imaneysaa iyadoo dalku ay ka jiraan Abaaro ba’an isla markaana aduun iyo dadba wax yeeleysey iyadoo safaradanina ay tusayso ineysan Xukuumadu ahmiyad dheer siineynin Dadka dhibaateysan.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.