webmaster@laasqoray.net

Sheekh Shariif oo xilka ay u kordhiyeen Golaha Wasiiradiisa

Golaha Wasiirada ee Xukuumada ku meel gaarka ah ayaa maanta isku raacay in xilka loo kordhiyo Madaxweynaha Dowlada ku meel gaarka ah iyadoo isla markaasina loogu darey mudo dhan 12bilood oo ka bilaabnaya marka uu wakhtiga Xukuumadani dhaco bisha 8aad ee sanadakan.

Xilk kororsigani kuma eka madaxweynaha ee waxaa raaca golaha xukuumada oo uu garwadeenku ka yahay Raysul Wasaare Farmaajo iyadoo tani ay sabab uga dhigeen iney la dhameystiro hawlaha qabyo ah ee hada bilowdey ee xukuumadan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Xukuumada ayaa waxaa ku cad sababaha ugu waaweyn ee keentey xil kororsigan iyadoo ay ugu weyntahey soo celinta Amniga dalka oo macnaheedu noqonayo in mucaaradka meesha laga saaro.

Xil kororsigani waxa uu imanayaa kadib markey Golaha Baarlamaanku ku dhawaaqeen iney iyaguna xilkoodii kororsadeen iyagoo berito u balansan sidii ay u sameyn lahaayeen gudi doorasho iyagoo ku doodaya in doorasho dhici doonto Augusta inagu soo fooda leh.

Tani waa khilaaf hor leh hase yeeshee xalku muxuu noqon doonaa?

Warsaxaafadeedkii hoos ka akhriso

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

Go’aanka Golaha Wasiirada

Muqdisho, March, 27.2011.

Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada kaasoo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo loogana dooday Qorshaha Marxaladda kala guurka ah ee uu Dalka marayo.

Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha siyaasadda, sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka;

Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo August 2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka midka yihiin kuwa hoos ku xusan:-

  • Dhismo Ciidan oo Dhameystiran lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin.
  • Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka ( Mudo Kooban).
  • Dowlad Wanaag.
  • La Dagaalanka Musuqmaasuqa.
  • Dhameystirka Dastuurka Qabyada.
  • Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta Dawlad Rasmi ah.
  • Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista Shaqooyin Dheeriya.
  • Daryeelka Bulshada & Gaarsiinta Gargaarka.
  • Dib u Dejinta Barakacayaasha.
  • Dib u Heshiisiin Dhameystiran.
  • Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada
Mudane Cabdi Xaaji Gobdon
media@opm.gov.so

Comments are closed.