webmaster@laasqoray.net

Sheeko Xiiso Leh (Dagaal Dumareed La Diimeeyay

Dagaal Dumareed La Diimeeyey: waa sheeko dhab ah oo ka dhacday degmo ka mid ah degmooyinka ay Soomaalidu degto. waxaana ay sawir ka bixineysaa sida ay waadayan dambe u fekeraan dadka qaarkiis.
Magaca sheekada waxa uu ka soo dhex baxay qiso dhex martay 5 nin iyo 3 saaxiibo la kala ah, waxayna sheekadu ku abtirsataa sheekadii hore ee cuqdad cudur noqotay ciil qabaa cadeeyey, ciil iyo cuqdado kadhashay sheekadaas hore ayaana lagu mateli doonaa midan.
Inta aanan waqti badan kaa luminin aan iskiin baro jilayaasha sheekada iyo korjoogtada, ka dibna aan iskaga kiin dhex baxo idinka, sheekada iyo dadka inoo matali doona, waxayna  dhexmartay raga kala ah
Yuusuf                  Jilaa
Maxamed              Jilaa
Maxamuud            Jilaa
Maxamed Xasan   Jilaa

Cali                        Jilaa
Siciid                     Korjooge
Xuseen                  Korjooge
Caato                     Korjeege

Qisadii oo sawir qurux badan laga bixiyey iga guddoon, hana kala iloobin magacyada jilayaasha iyo korjoogtada.
5-ta nin ee sheekada jilayaasha ka ah waxa ay ku wada noolaayeen degmo ka mid ah degmooyinka ay Soomaalidu degto. sida caadada ahna maadaama ay hal meel ku wada noolaayeen waxaa dhex maray xiriir si’ uun ku bilowday, markii dambena isu badalay inay wada harsadaan Geed weyn Illaah baa weyne, kaasoo ay u jeedada ay ka lahaayeen ay ahayed inay ka harsadaan qorax iyo dhaxan ka jirtay degmadooda, waxaana ay mudo ku soo wada kifaaxeen harsashada geedka.
Talaalka Geedka waxa fikrado ku lahaa rag kale oo intaas ka badan, balse waa iska howl aduune 5 ta mudane ayaa u soo haray geedka, waxaa geedka harsan jiray dad badan, balse ragan gaarka ah waxaa ay isu xilqaameen inay ka shaqeeyaan geedka jiritaankiisa, iyadoo ilaalinta mirihiisa, biyeyntiisa iyo howlaha kale ee uu ku sii jiri karayba uu si gaar ah ugu howlanaa Yuusuf oo ka mid ah Jilayaasha sheekada. hade horey baan kuugu sheegay magacyada jilayaasha si fiican u xusuusnow, marar kale ayey nagu soo laaban doonaane.
Gaarigii duuga noqday
Gaariga duuga noqday waxaa wada saarnaa Yuusuf, Maxamed, Maxamuud, iyo Maxamed Xasan, gaariga shidaalka uu ku socdayna waa ay wada bixin jireen, balse markii mudo la saarnaa ayaa waxaa ka ka go’ay shidaalkii, waxaana degtay oo shidaal u doonay Maxamed, wuxuuna mudanuhu soo laabtay isagoo soo quustay, wuxuuna u sheegay saaxiibadiis in gaarigu uu halkan dhaafi karin, waxaana hal mar ka wada degay oo sheegay inayan isku aamineynin Yuusuf, Maxamed iyo Maxamuud, waxaana xusid mudan in Maxamed Xasan uu ku adkeystay inuu sii saarnaanayo gaariga oo uusan meel kale u soconin.
Markii ay laba maalin dhulka joogeen 3 da saaxiib ee gaariga ka soo dagay ayaa Maxamed iyo Maxamuud si lama filaan ah ugu laabteen gaarigii ay markii hore ka soo dageen, waxaana intii ay dhulka joogeen ay jijibiyeen muraayadihii iyo nalalkii gaariga, waxayna u jeedadooda aheyd si’ aan gaariga loogu kadsoomin dadkana uusan u halaagin, iyadoo howshaas intii ugu badneyd uu qabtay Maxamed, waxaana wajiga ka soo gaaray dhaawac ilaa iyo hada ka muuqda.
Kulankii Fashilka
Waxaa kulan isugu yimid Yuusuf, Maxamed, Maxamuud, iyo Maxamed Xasan, waxaana kulankaas looga hadlayey mustaqbalka gaariga, iyo geedka. Yuusuf wuxuu sheegay in gaariga uusan fuuleynin, halka 3-da saaxiibadiis ah ay ku adkeysteen inay gaariga sii saarnaanayaan, iyagoo carrabka ku dhajiyey inuu yahay gaarigoodii, waxaana dhexmartay sheekadan.
Yuusuf: war gaarigu sow kii qaarkeen ka dageen maaha ee duuga noqday?.
Maxamed, Maxamuud iyo Maxamed Xasan: kama aanan degein. gaarigeenana wax ka fiican maba jiraan.
Yuusuf: Maxamed Xasan waan gartay isagu kama dagine. labadiina kale miyeydan ka dagin oo weliba adiga Maxamdow aadan taladaas soo jeedinin?
Maxamed: maya maya
Yuusuf: haye Maxamuud adiga
Maxamuud: waxaan ku raacsanahay Maxamed “ma aanan dagin marna”
Yuusuf: war Maxamadoow. miyaan wajiga dhaawac ka soo gaarin. markii aad burburineysay muraayadaha gaariga, dadka degmada inala joogana miyeyna ogeyn arinkaas?
Maxamed maya cid kale ayaad malaha igu khaldeysaaye aniga kama dagin gaariga
Yuusuf: Maxamuud adiga ka waran arinkaas?
Maxamuud: waxaan ku raacsanahay Maxamed ” ma aanan degin marna”
Kulankaas wuxuu ku dhammaaday fashil, waana lagu kala dareeray, Yuusuf wuxuu ku adkeystay in sidii uu uga dagay gaariga uusan ugu soo laabaneyn, naftiisana uusan ku aamineynin gaari duug ah oo hadana muraayado iyo nalal aan laheyn oo aan qorax iyo dhaxan midna celineyn, darawal aan gaariga aqoonina uu wado. halka 3-dii saaxiibadiis ahaa ay ku adkeysteen in iyagu ay ku dhaggen yihiin qolofkii gaariga. duug kasta oo uu yahayna ay saarnaanayaan.
Geedka iyo Yuusuf
Maadaama lagu kala tagay kulankii. Yuusuf na uu ku adkeystay inuuna dooneynin sii saarnaashaha gaariga duuga ah; ayaa waxaa saaxiibadii talo ku gaareen in ay geedka gooyaan, maadaama Yuusuf ku khilaafay aragtidoodii ku saabsaneyd gaariga, wuxuuna Yuusuf sheegay in geedka uu ku soo feero jabay ee looga kala tagay xanaaneyntiisa. uusan sina u aqbaleynin in si fudud loo jaro, maadaama uu furihii Albaabka hayeyna wuu ku fara adeygay.
Dagaalkii Dumarka Ee La Diimeeyey
Saaxiibo ay wada lahaayeen 5 ta mudane ee sheekada jilayaasha ka ah, iyo kuwa gaar u kala ahba waa ay jireen, kuwaasoo qaarkood ay kula noolaayeen degmada, halka kuwa kalena ay meelo kale ku kala firiqsanaayeen, waxaana saaxiibadaas ka mid ah Xuseen oo 5 ta Jileba saaxiib la ah, Warsame oo sidoo kale ragu ay ragiisa wada yihiin. Yuusuf ayaana labadan korgooje sabab u ‘ahaa inay dhammaan akhiyaarta  saaxiibo la wada noqdaan oo isaga ayey is-horbarteen. markii dambena waxay noqdeen rag saaxiibadood sumcad ku dhex leh oo la wada jecel yahay, waxaa sidoo kale jira Caato oo saaxiibada gaariga saaran la gashaday Ookiyaalaha ay qabaan.
Maxamed iyo Maxamuud waxay soo saareen xeer oronaya. in Yuusuf uu Ashahaado la dirir yahay!!. waxaana Maxamuud uu sheegay in uu gooyey Yuusuf, waligiisna uusan la hadleynin, maadaama uu diiday in gaariga duuga ah uu soo raaco, waxaa xusid mudan in Maxamed Xasan uu afkiisa xirtay oo uu weli ku ‘eg yahay gaarigiisa, mana ka qeyb qaadanin fulinta xeerkii saaxiibadiis soo saareen.
Maxamuud iyo Maxamed oo qaadan la’ sida Yuusuf uga biyo diiday fikradooda. ayaa waxa ay bilaabeen dagaal dhinaca saxaafada ah, oo isugu jira Xan, Huruuf, iyo inay u ololeeyeen in Yuusuf loo wada arko nin horar ah oo la coleytamay Illaahay iyo Rasuulkiisa ” Ashahaado la dirir”. waxaana dagaalkooda noocyada badan la galay Caato oo isagu u ‘eg nin aan wax badan kala soconin sida ay wax soo ‘ahaayeen, isla markaasna Caato wuxuu Shukaanta ka fuulay ” shirka” gaarigii duuga ahaa, isagoona mar kasta oo uu Yuusuf arko ku yeeriya hoonka gaariga duuga ah, isagoo u dhaga nuglaaday xeerkii ay soo saareen Maxamed iyo Maxamuud.
Warsame iyo Xuseen oo cadaadis la saaray
Caato oo kursiga hore ka fadhiya gaariga duuga ah. ayaa waxa uu labadan saaxiib oo wax badan kala socday sheekada u soo jeediyey in afka laga xirto oo Illaahay dartii loo gooyo Yuusuf, maadaama uu diiday inuu gaariga duuga ah fuulo. hade ogow akhristoow Caato marka ay sheekada dhaceysay degmada ma uusan joogin, basle dadku kala caqli iyo cilmi badanne wuxuu ku qancay sheekada saaxiibadii u meeriyeen.
Sheekadii Makhaayada Mudgi iyo Warsame
Caato oo halkiisii ka sii wada fulinta xeerkii ay Maxamed iyo Maxamuud soo saareen, isla markaasna saaxiibadiis ka badsada huruurfka, xanta iyo daacadeynta. ayaa waxaa uu Warsame u soo jeediyey inuu ka haro oo uu gooyo Yuusuf, waxaana Makhaayada Mugdi oo uu arinkaasi ka dhacay fadhiyey Maxamuud, Maxamed iyo saaxiibo kale, waxayna sheekadu u dhacday sidan.
Caato: Adiga maxaa ku daba dhigay Ashahaado la dirirka Warsamoow? Caato wuxuu sii watay hadalkiisa wuxuuna yiri.
Aniga waxaan aaminsanahay in Yuusuf aadan la hadlin oo Illaahay dartiis u jartid!!!!!!!!!!!!!!!!.
Maxamuud: aniga waxaan ku raacsanahay Caato. waa in Yuusuf waxba aan lagu darsanin, 5 teena ahlu xaqa ah waan isku filannahay, ashahaado la dirirna waxba kuma faleyno!!!.
Dagaalka noocaan ah ee huruurka, iyo xanta ah waa mid lagu yaqaano xaawaleyda, balse markan waa uu diimeysan yahay oo waxaa loola jeedaa Illaahay hortiis, ragu kala xariifsane indha kala gedgedinta iyo huruufka waa la kala badiyaa. laba arimood ayaana u sabab ah.
1- Sida loo kala gardaro badan yahay
2- Sida loogu kala dhawaa haweenka
Gunaanad
Sheekadan waxa ay ka dhacday degmo ka mid ah meelaha ay Soomaalidu degto, waxaana laga yaabaa inay qeybo kale qaadato, iyadoo sheekooyin u ‘eg ama la nooc ahba ay ka jiraan dhammaan gayiga Soomaaliyeed, waana qaab ka mid ah noocyada ay dadka qaar u nool yihiin.
Qeybtaan waxaan doonayaa inaan halkaan ku dhaafo, hadii Illaahay idmo, suuragalna ay noqoto qeyb kale oo tan ka xiiso badan ayaan isugu soo laaban doonaa.
W/Q Maxamed Nuur Shire
boqor3@hotmail.com

LaasqorayNet-

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

3 Responses

  1. Ka dib markii aan akhriyey faalooyin laga bixiyey sheekadan dhowr web site oo kalena aan daalacday oo shaakadan ay ku qoran tahay. ka dib markii ay igu soo dhaceen fariimo badan oo leyga codanayo inaan sheekada fasiro. ayaa waxaan goostay inaan wax yar ka iraahdo
    Sheekada fariinta guud ee ay direyso waa fahanka dadka qaarkiis oo ay ka digeyso waxaana ay tahay in dadka qaar ay isku dhex labeen diinta islaamka iyo dhaqankooda oo hadii aad isku dhacdaan ay sida ay kuula dhaqmayaan ay tahay sidii diinta waafaqsaneyd marka dagaal dumareed la diimeeyey waxaa laga wadaa dad ay arini dhexmartay ka dibna qaarkood ay dagaalkii ay galeen ee isugu jiray xan huruuf waa sida dumarku u dagaalamaan iyo noocya kale la diimeeyey oo laga dhigay dagaal xag ah oo diinta waafaqsan cidii dagaalkaas lala galayna ay tahay cadowga ilaahay ama ahshaado la dirir marka qofkii aad isku dhacdaan si sahlan ayuu dagaalkiina ugu badalayaa mid diimeed isagoo is xijinaya diinta ka dibna adiga banaanka kaaga saaraya ugu dambeyntii fariintaas ayey xambaarsan tahay ereyada lagu dhigay sheekada waa ereyo maldahan oo waxaa fahmaya cidii si aad ah u dhuuxda ama cida ay sida gaarka ah u khuseyso ama inta la socotay dagaalka nooca dumarka ah ee la diimeeyey balse hadafka sheekada waa in laga digo in dadka diinta looga saaro inaad adiga isku dhaceen intaas ayaa muhiimadu ay tahay raalina ha ahaadeen dumarka hadii aan dareenkooda dhaawacay illaah ayaa dadba dabeecadaha u kala duwaye

  2. Alla Xikmad yaraa kii soo qoray qormadan, war ninyohow koley hadad qalin qaadatay oo wax qor is tidhi dee wax la garan karo oo la fahmi karo keen , adiguna daashay umadiina waxay moodeen wax xikmad leh, raga Sheeko xariiroyinka sameya inad kaashatid bay ahayd.

  3. cajiib weeye sheekadan waxaan leeyahay anigu ra yigayga waxani puntland bay ka hadlaysaa iyo inta samaysatay iyo inta ku dhegan weli oo ka lalmata markaa sheekada si waadaxa in loo dhigo bay ku macaanaan lahayd hadii kale dad badan ma fahmi karaan lamana jeclaysanayo, ma xiiso badna sheekadan markaa qolyaha waxan soo qoray wax habaysan keena fadlan si loo xiisayn karo, ciwaankana dadka waa soo jiidanayaa wax meesha ku jiraana ma jiraan,