webmaster@laasqoray.net

Shir looga arrinsanayo horumarinta iyo midnimadda jaaliyadda reer Puntand, laguna taageerayo guddiga cusub ee PDF-UK oo ka dhacay magaalada London

Shir wada tashi ah oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga cusub ee PDF –UK  ayaa ka dhacay magaalada London, xaafadda Camden. shirkaas oo ujeedadiisu ahayd,sidii looga shaqayn lahaa horumarka iyo midnimadda  reer Puntland UK,  taageero buuxdana loo siin lahaa gudiga cusub ee golaha qurbajoogta ee reer puntland uk.

shirkaas oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa Waxaa markii hore hadalkii furay Siciid Caga-weyne oo ah u qaybsanaha PDF –UK arrimaha xiriirka dadweynaha oo si kooban uga hadlay  wax qabadkii  gudiga cusub muddadii saddixda bilood ahayd  ee uu xilka jaaliyadda u hayeen iyo wax yaabihii u qanbsoomay.

Ka dibna waxaa war bixin  faahfaahsan  jaaliyada  u soo gudbiyey xoghayaha PDF U.K Abdirisaaq shirwac, war bixintan oo  qaab powerpoint presentation ahayd ayaa waxaa la socday qorshaha  muddada lixda  bilood ah ee soo socda, taas oo ay aad ula dheceen dhaceen dadweynihii shirkan ka soo qayb galay.

Ka dibna waxaa hadalkii qaatay oo  faahfaahin dheeraad ah iyo  iyo howlaha u yaal gudigan cusub ka soo jediyey Gudoomiya cusub ee PDF UK  Abdirahmaan Ali Gureye.

Gudoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyey, baaahida loo qabo midnimada iyo isku duubnida reer puntland meelkasta oo ay joogaan , gaar ahan reer UK,  si ay u buuxiyaan kaalintooda ku aadan waddankan aan ku noolnahay iyo ka qayb qaadashada horumarinta dadlkeenna iyo dadkeenna.

Ururkeenna qurbajoogta PDF waa urur kulmiya oo isku xira qurbajoogta reer puntland meelkasta oo ay joogaan si ay uga wada tashadaan danahooda, waxaana looga baahan yahay qof walba oo inaka mid ah in uu ka qaato kallintiisa dhidiba u taagidda PDF UK, .  waxaa gaaray waqtigii  reer puntland Uk uu waa cusub u baryi lahaa oo horay loo socon lahaa.

PDF UK waxaa iska leh reer Puntland ee shaqsi ma leh, loomana baahna in shaqsi uu si gaar ah u sheegto, waqti lix bilood ah ayaan howshan naloo xil saartay oo jaaliyaddu noo dhiibatay, waxaanuna gaarsiin doonnaa haddii alle idmo meel wanagsan si  teamka naga danbeeya uu u helo fursad iyo meel wanaagsan ay ka sii wadaan howhsan weyn ee jaaliyadda qiimaha weyn ugu fadhida. Waxaan u baahan nahay in aan isku tashanno oo aan u istaagno horumar iyo midnimo dhab ah, si  aan uga baxno horumar la’aanta iyo dib u dhaca.

Hadalka gudoomiyaha PDF oo dhinacyo taabanaysay ayna u badnaayeen dhiiragalin iyo guubaabo salka ku haysa in aan wax badan qabsan karno, balse loo baahan yahay wada shaqayn iyo isku duubni.   gudoomiyaha ka dib waxaa sidoo kale hadallo aad u qiimo badan qiima leh halkaas ka soo jeedisay Aamino  Daauud oo ah u qaybsanaha arrimaha  war faafinta iyo isku xirka dibadda.

guddigan cusub ayaa ka kooban 15 xubnood, kuwaas ah guddi lagu xushay aqoon, karti iyo firfircooni ayaa dadweynihii ka soo qayb galay shirkan waxay galisay rajo iyo kasooni ah in ay PDF –UK  ay lugaheeda ku istaagtay.

War bixintii Gudiga Ka dib ayaa  waxaa hadalkii qaatay oo ereyo aad u qiimo badan ka soo jeediyey halkaas siyaasiyiin, wax garad iyo aqoonyahanno aad looga qadariyo  bulsha weynta reer puntland ee UK

Dadka halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka miid ahaa:

Halgamaa Hirsi Xaaji jaamac oo aad ugu nuux nuux saday qiimaha ay leedahay midnimadu iyo kaalinta looga baahan yahay qurbajoogta reer Puntland gaar ahaan iyo guud ahaanba qurba joogta soomaaliyeed.

Waxaa sidoo hadalo aad u qiimo leh halkaas ka soo jeediyey.

Hirsi muuse Boqor, Dr. Abdulqaadir jasiira, Adan Shire, Abdi Salad ali, Aadan Guureye kaarshe, Gen. abdulaahi Ali Omar, Ahmed Yuusuf, aqoonyahanno iyo dad weyne ka mid ahaa ka soo qayb galayaashii  shirkan.

Shirkaas oo ku dhamaaday Jewi aad u wanaagsan oo ay qiiro iyo farxad ku dheehan tahay ayaa waxaa la isla qaatay in PDF UK si aan kala har lahayn loo taageero, jaaliyaddana la diiwaan galiyo lixdan bilood ee soo socda, lagana qaado qofwalba oo reer puntland ah Membership fee ah in ka yar 50p usbuucii oo noqonaysa £25 gani sannadkii  si loogu daboolo baahida wax qabad ee Jaaliyadda, qaybna uga noqoto howlaha lagu horumarinayo dadkeenna iyo dalkeenna gudaha  iyo dibadba.

PDF-UK

 

Comments are closed.