
Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen qaybo kamid ah jaaliyada Maakhir ayaa caawa kadhacday hoolka shirarka dugsiga dhexe Internation Midle school ee magaalada Minneapolis. Ahmiyada shirkani ayaa ahaa sidii dhaqaalle loogu heli lahaa, meelna la’isla dhigi lahaa doorka ay jaaliyada reer Maakhir ee MN kaqaadan lahaayeen taakulaynta
jaamacadani oo dhawaan dhidibada loo taagay. Madashaasi ayaa looga dhagaystay warbixino, luguna soo bandhigay Video dhawaan lagasoo duubay jaamacada Maakhir University.
Waxaa ugu horayn madashaasi kahadlay Sheikh C/qaadir Rubeex, oo kamid ah culumada ugu waawayn waqooyiga Mareekanka, isagoo kahadlay faa’idooyinka sadaqada, tiigsadayna aayado iyo axaadiith tilmaamay faa’idooyinkaas. Shikh C/qaadir oo soo qaatay tusaalooyin dhab ah ayaa sheegay in sadaqadu caafimaad u tahay cuduro farabadan sida dhaqaala xumo iyo waliba cuduro kale oo aadanuhu daawo u helin.
