Bosaaso- shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa maalintii khamiista 09/6/2011. wexeey dhagax-dhigtey dhismaha cusub ee shirkadda Golis Telecom Somalia.
dhismahaas oo laga dhisi doono (Bosaaso) magaalada madaxda ganacsiga ee dowlad Puntland-somalia.
Munasabaadaas ayaa waxaa goob-joogayaal ka ahaa qaar ka mid ah madaxda dowlada Puntland oo uu hor kacaayey warsiirka warfaafinta isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka

Mudane/Axmad Cali Askar, sidoo kale waxaa madashaas goob-joog ka ahaa : gudoomiyaha Gobolka Bari mudane/Cabdul xaafid Cali Yuusuf , ku xigeenka Duqa magaalada Bosaaso, saxaafada ,iyo sidoo kale madaxda shirkada Golis Telecom Somalia iyo shirkadda dhismaha ee Mubarak construction.

Munaasabadii Saxiixa Heeshiiska
Ka hor inta aan la agaasimin munaasabada dhagax-dhigga ayaa shirkadda Golis, oo ah shirkadda loo dhisaayo dhismaha iyo shirkadda Mubarak construction oo ah shirkadda wax dhisi doonta .ayaa waxeey kala saxiixdeen hishiis qoraal ah abbaarihii 9:00 Subaxnimo.
Munaasabadaas ayaa ka dhacdey hoolka shirarka iyo tababarada ee shirkadda Golis Telecom Somalia.

Dhagax-dhiga dhismaha
Saxiixa heshiiska ka dib ayaa waxaa la maamuusay dhagax-dhiggii,iyadoo wasiirka warfaaf inta isgaarsiinta hidaha iyo dhaqanka uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee dhagax-dhigga dhismaha shirkada Golis Telecom Somalia.

Dhagax-dhigga Ka dib ayaa dhamaan ka soo qeyb galayaashii dhagax-dhiga waxeey galeen sawir wadar ah. Wexeeyna ku galeen goobta laga dhisaayo dhismaha shirkadda Golis
Xafladii Dhagax-Dhiga Dhismaha Shirkada Golis Telecom Somlia
Waxaa sidoo kale shirkadda Golis Telecom Somalia soo abaabushay qado sharaf lagu maamuusaayo xaflada dhagax-dhigga dhismaha shirkadda Golis Telecom Somalia oo ka dhacdey hotel-ka panorama ee magaalada Bosaaso.
Xafaladaas ayaa bilaabatey abbaarihii sacaadu markeey ahayd 11:00 subaxnimo, waxaana lagu daah-furtey xafladaas ayado qur’aanka kariimka ah iyo wacdi uu soo jeeydiyey Dr/sh:Axmed Xaaji Cabdirixmaan.

Wacdiga ka dib ayaa hogaanka xafiiska xiriirka dadweeynaha Mudane/Faarax xaaji mire wuxuu soo dhaweeyey kasoo qeyb galayaasha xaflada iyo marti sharafta xaflada dhagax-dhiga dhismaha shirkadda Golis Telecom Somalia.

Eng.cabdul Qadir Ciise xaaji cumar ayaa sharaxaad faahfahsan ka bixiyey dhismaha loo dhisaayo shirkadda Golis Telecom Somalia.

Wuxuu Eng.Cabdul Qaadir sheegey in dhismahaan loo dhisaayo shirkadda Golis uu ka koobanyahay “7 dabaq ama floor” waxaana suuragal ah in la gaarsiin karo 10 dabaq mustaqbalka.

Eng.Cabul Qaadir ayaa sheegey in dhismahaan uu leeyahay adeegyada hoos ku xusan:
§ Dab damis casri ah
§ Monitoring and surveillance
§ Elevator
§ Escalator
§ Wishas lagu kala gudbi karo ( sensor doors)
§ Qaboojiye meel laga xakumi karo ( AC/split duct)
§ Moyaarado xabadaha celiya (Reinforced glass-1st floor
§ Cayayaan ma gali karo ( No insects )
§ Iyo sumadda shirkadda oo kor ka muuqaneeysa ( Brand Name )
Sidoo kale waxaa madasha xaflada qado sharafta ka Hadley maareeyaha shirkadda Golis Telecom Somalia mudane/Aadan Sheikhdoon Cali
Mareeyaha ayaa wuxuu soo dhaweeyey dadka ka soo qeyb galay xaflada, wuxuuna sheegey in dhismaha shirkadda uu tilmaan muuqata u yahay kobaca iyo horumarka shirkadda.
Sidoo kale maareeyaha wuxuu aad uga hadley in la deegaameeyo dhismayaasha oo wadanka la maal-gashado.
Wuxuu kaloo maareeyahay ka hadley in dhismuhu uu yahay camiridda uu illahey amrey adoomahiisa in ay ku sameeyaan dhulka.
Mareeyaha ayaa sidoo kale uga faa’iideystey hadalkiisa in uu soo bandhigo adeeg cusub oo la magac baxay “ KUMEE” oo macmiilka u soo saaraya markuu dansado cida soo wacdey,iyo mid kale oo kale oo la magac baxay isagana“Waa I KAN” oo sheegaya markuu macmiilka hawada dib ugu soo noqdo.
Kalmada mareeyaha ayaa waxaa ka danbeeyey dhoowr kalmadood oo ay soo kal jeediyeen madaxda kala ah: gudoomiyaha gobolka Bari,gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Puntland,gudoomiye ku xigeenka duqa magaalada Bosaaso,ganacsatada, iyo mid ka mid ah oday dhaqameedyada Puntland.
Madaxdaas ayaa dhamaantood isku raacdey in ay ku faraxsanyihiin dhismaha cusub ee shirkadda Golis Telecom Somalia, isla markaasna muujiyey kaalinta ay shirkadda Golis ka ciyaarto u adeegida bulsha weynta soomaaliyeed.
Gunaanadkii ayaa 1:00 duhurnimo soo xirey xaflada wasiirka warfaafinta isgaarsiinta hidaha iyo dhaqanka.
Xigasho: Xafiiska la Xiriirka Dadweeynaha (Public Relationship Department
