webmaster@laasqoray.net

Shirkii Haweenka Reer Maakhir Uk iyo Go’aamo Laga Soo Saaray(Daawo Sawirada)

Waxaa ka dhacay 12/03/2011 galbeedka London ee xarunta Dalka UK gaar ahaan Xaafada Southall shir aad loo soo agaasimey oo ay isugu yimaadeen haweenka  Gobolada Reer Maakhir ee ku nool wadanka UK, kana kala yimi dhamaan gobolada Dalka UK.

Shirkaas oo ahaa mid si aad u heer saraysa loo soo agaasimay kana soo qayb gashay saxaafada Maakhir iyo tan Soomaaliyeed gaar haan warbaahinta la iska arko ee Tvyada waxaana kasoo qayb galay dhamaan Haween waynaha reer Maakhir ee Uk kuwaasoo isaga kala yimi dhamaan gobolda dalka Uk tiradooduna gaadhaysay Boqolaal waxaana ujeedadiisu ahayd midaynta iyo wada jirka reer maakhir iyo si dii wax loo qabsan lahaa gudaha iyo dibedaba

Shirkan oo aanu hore uga dhicin mid noociisa Magaalada London mudooyinkii danbe ayaa ahaa mid jawigiisu  aad u xamaasadaysnaa sidii loo dar dar gelin lahaa isku xidhka jaaliyada Uk iyo wax ka qabadka Gobolada Sanaag Haylaan iyo Galbeedka Bari waxaana ugu danbaystii la guda galay ajendaha shirka oo ka koobnaa

  1. Wada Tashi iyo sidii loogu howl geli lahaa Horumarinta Gobolada Sanaag,Haylaan iyo Galbeeka Bari
  2. Sidii loo samayn lahaa Gudi haweena ah waxna ka qabta dar dar gelinta howlaha jaaliyada Maakhir uk u yaala iyo dalkiiba
  3. Sidii looga qayb geli lahaa shirarka haweenka soomaaliyeed iyo Kan P/landba
  4. In dhaqaale loo uruuriyo Abaaraha ka jira Gobolada aan kor kusoo sheegnay

Hadaba intaa ka dib waxa daadehintii shirka la wareegay Aasiya C/laahi Qablan oo ka warbixisay sida uu ku yimi shirkan iyo cidii soo abaabushayba waxaanay u mahad celisay dadka xilka iska saaray qabaqabada shirka waxaana lagu furay sidii cadaadu ahaan jirtay ayaadaha quraanka kariimka ah waxaana Mikrafoonka lagu soo dhaweeyey mid ka mida haweenkii soo qaban qaabiyay shirka oo u mahad celisay dhamaan kasoo qayb galayaashii shirka waxa kale oo ay ka warbixisay sida uu ku yimi  shirkan iyadoo aad ugu dheeraatay ahmiyada ay leedahay kulamadan oo kale iyo sidii haweenku doorkooda uga ciyaari lahaayeen geedi socodka jaaliyada iyo horumarinta Gobolada aan kor kusoo sheegnay waxaanay ka dhawaajisay in ay muhiim tahay in haweenku fadhiga ka kacaan gacmahana is qabsadaan sidii ay uga midha dhalin lahaayeen adeega bulshada reer Maakhir

Waxa  halkan lagu soo koobi Karin haweenkii goobtaas ka hadlay oo aad u tiri badnaa dhamaantoodna isku wada aragti ka ahaa ajandayaasha shirka waxaanay isku raaceen sadex qodob oo  kala ahaa

  • In baaq laga soo saaro shirkan
  • I  dhaqaale loo uruuriyo dadka abaaruhu saameeyeen
  • In gudi haween kumeel gaadha la sameeyo

Waxaana la guda galay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen waxaana look ala qaaay laba qaybood oo kala ah in inta joogta halkan lacag ay bixiyaan iyo in dhamaan haween waynaha reer Maakhir ee aan kasoo xaadirin shirkan laga soo uruuriyo qaadhaanka abaarta iyadoo gudi loo kala magaacabay sida wax looga soo uruurinayo

Waxa kale oo isla shirka lagu magaacabay Gudi ka kooban 12 Xubnood oo ku meelgaadha kuwaasoo soo qaban qaabind doona shir guud oo reer maakhir isugu yimaadaan rag iyo dumarba waxaana Gudida la magaacabay ka mida ahaa.

  1. Khadra C/laahi Doonya-leqe
  2. Ifraax Cali Amiike
  3. Amaal Ibraahim Faras
  4. Saynab M cali Buux
  5. Xaliimo Axmed Siciid
  6. Faadumo Cabdilaahi
  7. Saynab Cabdulaahi Yuusuf
  8. Siciido Ducaale Siccido guuto
  9. Saynab Cabdilaahi Yusuf
  10. Aasiya Xaaji Diyaare
  11. Faa’isa Ahmed (faa’isa wahaabi)
  12. Deeqa Daahir Dalmar

Waxa kaloo shirka laga soo saaray Baaq ku wajahan dhamaan Jaaliya reer Maakhir Uk iyo Caalamka intiisa kaleba ah sidii loo midoobi lahaa isku meelna loogha soo wada jeesan Horumarka deegaanka iyo cid alaale iyo cidii isku dayda inay xasilooni daro ka abuurto Gobolada Sanaag Haylaan iyo Galbeedka Bari

Waxa kale oo haweenka reer maakhir ka dhawaajiyeen inay ka tirsan yihiin Maamul Goboleedka P/land dadka reer maakhirna yihiin puntlander isla markaana loo baahan yahay in laga qayb qaato sidii laysu kaashan lahaa jaaliyadaha kale ee reer P/land

Intaa ka dib waxa mar labaad loo mahad celiyay Gudidii sooq aban qaabisay shirkan oo mid kazoo qayb galayaashu aad ugu riyaaqeen waxaana ka mida ahaa gudidid soo qaban qaabisay

  1. 1. Saynab C/laahi Yuusuf
  2. 2. Deeqa Daahir Dalmar
  3. 3. Faaisa wahaabiAyaan Xuseen Karsay
  4. 4. Saynab M Cali Buux
  5. 5. Farax Adan X ciise
  6. 6. Ifaraax Cali Miike
  7. 7. Caasha siciid
  8. 8. Dahabo Cali Fanax
  9. 9. Xaliimo Mxamuud
  10. 10. saciida ducaale (guuto)
  11. 11. Xaliima cadceed
  12. 12. nadiya Cabdilahi Yusuf

waxa kale oo gabagabadii shirka loo duceeyay in ilaahay raxmad khayr qabta u shubi adoomihii ku dhibaataysan Abaaraha ka jira geiyga soomaaliyeed colaadana ka saaro waxa kale oo ay baaq u jeediyeen deeganada colaadu ka jirto in wada hadal lagu soo dabaalo wixii khilaafee jira si ilaahayna ugu naxariisto.

Warbaahinta Maakhir

Comments are closed.