webmaster@laasqoray.net

Shirweynaha Afraad ee wadamada Horumarkoodu hooseeyo oo Istanbuul ka furmaya iyo Eng Faysal Xawar oo ka qeyb gelaya

Shirweynaha 4aad ee Wadamada ugu horumarkaya Yar ee caalamka ayaa waxa uu ka dhacayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga iyadoo uu shirkani kasoo qeyb gelayaan masuuliyiin sar sare oo dalkaas u dhalatey iyo kuwa kale.

Raysul wasaaraha dalka Turkiga  Rejib Tayib Erdoğan iyo Madaxwyenaha Dalka Turkiga  Abdullah Gül  iyo Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa ka mid ah Madaxda Sar sare ee lagu casumey shirkaas isla markaana la filayo iney ka hadlaan.

Dhinaca Soomaaliya waxaa ka qeyb gelaya Mudane Faysal Axmed Yusuf, Faysal Xawar, Madax ururka International Somalia Development Foundation iyadoo uu shirkani furmi doono taariikhdu markey tahey 9ka May ayna xirmi doonto isla bishan 13keeda.

Shirkaan oo arimo badan lagu falan qeynayo ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb gelaya aqoon yahano caalami ah iyo shirkadaha waaweyn ee caalamka ka jira sida Mircosoft iyo kuwa kale oo balaaran.

Shirkan ayaa waxaa lagu falan qeyn doonaa dhiiri gelinta shirkadaha khaaska loo leeyahay malgashiyadooda ay maal gashanaya wadamada dhaqaalohoodu soo kobcayo, Ganacsiga cadaalada ku dhisan, kobcinta Maareynta, ka dhabeynta horumarinta dhaqaalaha soo kobcaya iyo Xal u helida nabad darida ka jirta wadamada horumarkoodu hooseeyo.

Soomaaliya oo lagu tilmaamo wadamada ugu faqiirsan iyadoo ay ku habsadeen ayaa shirkan sidaanu koru ku xusan uga qeyb gelaya Faysal Xawar oo isla markaana u dhuun daloola dhibaatooyinka daba dheeraadey ee Geeska Africa ay Soomaaliya ugu weyntahey.

LaasqorayNET-London

Comments are closed.