Shir ay kasoo qeyb galeen dad tiro badan oo kala yimi magaalooyin badan oo UK ka mid ah ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Liverpool ee qadiimiga ah isla markaana la leh taariikh xiriireer soo jireen ah dadka kasoo jeeda Deegaanada Maakhir ee Somalia.
Shirwaynahan oo uu furey C/kariim Suldaan ayaa dhowr arimood lagu falan qeeyey iyadoo arimihaasi ay ka mid ahaayeen uguna weynaayeen sidii looga shaqeyn lahaa Midnimada Jaaliyada Qurba joogta.
Waxaa kaloo lagaga hadley shirka sidii Jaaliyadu ay sanduuq loogu magac darey Sanduuqa Gundhiga Jaaliyada Maakhir loo sii xoojin lahaa iyadoo uu sanduuqani uu sanadahanba jirey iyadoo uu sanduuqani si ku meel gaar ah u hayo ururka Sahal Association.

Waxaa goobta ku sugnaa Ururka dhowaan laga hirgeliyey Dalka UK ee Maakhir Society isla markaana soo bandhigey ujeedooyinka iyo sababah ururkan loo aas aasey iyadoo uu u hadley ururka Gudoomiyaha ku meel gaarka ahe C/raxman Maxamud Maxamed.
Jowiga shirka oo ay ku jirtey farxad iyadoo ay dad badani ka soo jeediyeen fikrado kala gedisan isla markaana dhamaantood loo riyaaqey waxaana ugu weynaa in Dib loo hawl geliyo qorshihii DIBU DHISKA DEKEDA LAASQORAY oo ay weliba Haweenka Jaaliyadu raga aad ugu booriyeen iney arintan meel cad uga soo haraan iyadoo ay sheegeen in horumarka gobolku uu ku xiran yahay dibu habeynta Dekeda Laasqoray oo barwaaqo lagu gaari doono.
Shirkan oo ahaa shir gogol xaar iyo horudhac u noqonaya Shirwayne ay magaalada Liverpool Marti gelisey isla markaana gudi Farsamo loo saarey waaana gudidaa ka mid ah ururka Maakhir Society iyo xubno kale.
Shirka ayaa waxa uu ku dhamaadey jawi aad u heer sareeya iyadoo dhamaan dadkii kasoo qeyb galey shir weynahan ay muujiyeen yididiilo cusub iyo rajo wacan in shirweynahan soo socda.
LaasqorayNET- Liverpool





December 1, 2010 at 12:05 am
horta marka hore waan salaamay dhamaan odayaasha iyo wax garadka shirka furay si wanagsana u furay balse waxan odhanlaha af lagaadada ha lajoojiyo waa waxa aynu la gaadhi la nahay meel weeyaan taasi
November 30, 2010 at 10:44 am
Asalamu Alaikum, waxaa cajiib ah in maalinkasta reer bari yidhaahdo shir baan leenahay lacag urursi ah oo aan hadan wax ka soo baxaa aanay jirin, miyaanay dadkani ka xishoon lacagta ay dadka ka ururinayaa oo ay cuniyaan afar qab qab leh… Tan kale markay somaliya dawlad lahaydba wax qabsan weyde ee ma hadad wax qabsanaysaan waa maya…….. my advice to you waa intadad islamahaa iyo odayada kafantooda ka fureysaan ordaya oo islaantii xoolaha xaaran ku qaatay ka soo qaada Faadumo…..
November 29, 2010 at 5:49 pm
War qof waloow waxaad qaban karto qabo, maxaa umadda dusha iska saaray. Xoolihii umadda ha laga soo dhiciyo budhcadda Faadumo iyo gabadheeda deggan ee horn relief.
November 29, 2010 at 3:35 pm
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk.SHir Baa la qabtay oo SANDUUN baa lagaga Hadlay.. sidii Lacag loo Urursan lahaaa sow kama xishoodaan Reer UK.
CAJIIB>………………………