Shirweyne abaabulkiisa dhowaanba lagu jirey ayaa waxa uu si weyn uga qabsoomay magaalada Liverpool ee ku taala Waqooyiga dalka Ingiriiska iyadoo shirkaasi ay kasoo qayb galeen aqoon yahano, culumo, dhalin yaro, odayaal iyo wax garad, dumar iyo ururada ku abtirsada jaaliyada Maakhir ee dalka UK.
Shirkan oo ku dabo taxnaa shir bishii 11aad ee sanadkii lasoo dhaafey lagu qabtey magaalada Liverpool ayaa waxa lagu falan qeeyey dhowr arimood uu si gaar ah u taabanaya Jaaliyada isla markaana dhamaantood meel la isla wada dhigey.
Ajendaha hirkan looga hadley waxaa ka mid ahaa kuwan:
- In gudiga Jaaliyada la sameeyo
- In mid laga hadlo Adeega Caafimaad ee uu deegaankii u baahan yahay
- In laga hadlo wax barashada deegaanadii jaaliyadu ay ka timi
- In laga hadlo xaaladaha deg deg ah sida Abaaraha iyo colaada Kalshaale
Ugu horeyntii ayaa shirka waxaa lagu furey aayadaha quraanka Kariimka ah iyadoo uu sheekh Caydaruus Axmed Faarax uu akhiryey isla markaana Micrafoonka Shirka Loo gudbiyey C/kariim Cali-Mahdi Suldaan Maxamuud Cali Shire isla markaana iclaamiyey inuu shirku furan yahay.
Waxaa isla markiiba loo guda galey fala qeynta qodobada ama ajendayaasha shirka iyadoo Waxbarashada loogu horeysiiyey isla markaana uu Sheekh Caydaruus Axmed Faarax Odey uu ka warbixiyey xaalada waxbarashadeed ee uu marayo Gobolkii isagoo uu sheekhu xusey iney goobaha waxbarashadu ay tahey goobaha ugu wacan ee dalkii ka jirto.
Sheekhu waxa uu sidoo kale xusey taariikhdii dheereyd ee loo soo galey in la helo adeeg waxbarasho iyadoo uu sheekhu xusey in sanad dugsiyeedkii 1997-98 alabaabada loo furey dugsigii ugu horeeyey ee Gobolka Sanaag oo dib looga furey Magaalada Badhan isla markaana maanta ay Degmada Badhani ka hirgalaan 3dugsi sare iyo Macaahido waxbarashada sare lagu barto.
Sheekhu waxa uu sidoo kale taabtey Arinta Jaamacada isla markaana uu xusey iney taageero hiil iyo hooba ah loo fidiyo Jaamacada isla markaana soo jeediyey in Xisaab ama Account gaar ah loo furo Jaamacada oo Bangiyada ka shaqeeya Somalia sida Qaran ama Dahabshiil looga furo oo ay jaaliyaduhu isla markaaba ku shubaan deeqaha lacageed iyadoo uu sheekhu xusey hadii la helo 300 oo qof oo min £10 ku shuba bishii iney noqoneyso sanadkii lacag gaareysa 36kun oo Pound ama geni isla markaana wax weyn ka bedeleysa Arinta baahida Jaamacada.
Kadib markii caafimaadka laga hadley isla markaana la xusey iney Cisbitaalka Degmada Badhan loo baahan yahay inuu sii furnaado iyo weliba goobaha kale ee ku yaala Degmooyinka kale ayaa waxaa loo gudbay iney hadlaan Xubnaha Martida ku ahaa liverpool ee ka kala yimi Dhamaan gobolada ay degen yihiin Jaaliyada Maakhir ee UK.
Magaalada Manchester oo aan sidaa uga fogeyn Magaalada Liverpool ayaa ugu horeysey iyadoo ay xubnaha ka socdey jaaliyada uu hadley Xaaji Cubeyd Ducaale iyo Saciid Warsame isla markaana ay taageereen qorshaha shirka iyagoo odayaashu barakeeyeen kuna taliyeen dhowr arimood oo ay ugu horeysey isku duubnida iyo isku xirnaanta iyadoo ay odayaashu sheegeen in cilada Dalkii hooyo ka jirta ay ugu weyn tahey afartan Arimood.
- Hogaan La’aan
- Ismaqal la’aan
- Talo qaadasho la’aan
- Iyo in Gobolkii Sanaag ay ka guureen dadkii waxtarka lahaa
Magaalada Cardiff oo iyaduna xubno usoo dirsatey Shirka ayaa waxaa u hadley Bide Baarjeex isla markaana ku booriyey iney dadku gudaha iyo dibadaba xoriyadooda iyo midnimadooda haystaan.
Waxaa iyaduna goobta ka hadley Gabadhaha Maakhir oo iyagu mahad gaar ah loo soo jeediyey isla markaana buraanburo aad u qiimo badan kaga buraanburey.
Marwo Faadumo Maxamed Xirsi oo ka socotay Jaaliyada Birmingham ayaa tix buraanbur ah oo aad u qiimo badan ka tirisey goobtii.
Halakan ka dhegeyso Buraanburkii Faadumo_M Hirsi.
Sidoo kale Amuun Cabdullaahi ayaa buraan bur ah iyadoo uu buraanburkaasi ahaa mid aad u qiimo badan oo duco iyo waano iyo weliba amaan isugu jirey.
Markii lasoo gaarey Gebo gabeyntii Shirka ayaa waxaa madasha shirka looga dhawaaqey gudi sal balaar ah oo ay yeelaneyso Jaaliyada Maakhir ee UK iyadoo loo kala qeybsadey Xubnaha Jaaliyada sidatan.
- Magaalada Martigelisey shirka ee Liverpool oo qaadatey 3 xubnood.
- Jaaliyada ugu balaaran ee Magaalada London oo qaadatey 6 xubood.
- Jaaliyada Manchester oo qaadatey 2 Xubnood
- Jaaliyada Sheffield oo qaadatey 2 Xubnood
- Jaaliyada Cardiff oo qaadatey 2 Xubnood
- Jaaliyada Birmingham oo qaadatey 3 Xubnood.
Jawiga shirka ayaa waxa uu ahaa mid aad uu uga muuqdo damaashaad iyadoo ay dadweynihii kasoo qeyb galey ay muujiyeen wadaninimo iyadoo isla markaana loo duceeyey dhamaan gudiga cusub ee jaaliyadu ay yeelan doonto.
Kadib markii lagu dhawaaqey Gudiga Salbalaar ee Jaaliyada Maakhir ee UK ayaa waxaa madasha shirka laga soo saarey Baaq ku wajahan colaada Kalshaale.
Baaqan ayaa waxaa laga codsadey Somaliland si deg deg ah ugala baxaan ciidamadooda Deegaanka Kalshaale isla markaana Magdhow shardi la’aan ah ka bixiso Dadkii ay ciidamaaasi ku xasuuqeen dagaaladii Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane.
Waxaa sidoo kale maamulka la farayaa inuu faragelinta ka daayo Gobolka Cayn iyo dhamaan gobolada kale ee ay sheegato, ogaadaana hagaanka Maamulka Somaliland in dhulka lakala leeyahay oo lakala dego, cidina aysan dan ugu jirin dagaalo iyo colaado laga huriyo goboladaasi.
Sidoo kale Jaaliyadu waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa lagu xasuuqey Dagaaladii Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale, waxayna Allahooda uga baryeysaa denbi dhaaf iyo janadii inuu geeyo.
Sidoo kale Jaaliyadu waxay u ogeysiineysaa shacabka Gobolka Cayniney Garab taagan yihiin ayna dareensan yihiin dhibka lasoo wajahdey isla markaana hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.
Gebo gebadii shirka ayaa waxaa shirka xidhey oo duco iyo taloba ku darey C/kariim Cali Suldaan Maxamuud.
Warbixintan waa Warbaahinta LaasqorayNET soo gaarsiiyey Abdirizak Maxamed Xaji Cali oo ku sugnaa goobta shirku ka dhacayey
LaasqorayNET-Liverpool
