webmaster@laasqoray.net

Shirweyne Jaaliyada SSC ee Kenya iyo Hogaanka SSC Isku Xog Wareysanayeen oo ka Dhacay Magaaladda Nairobi (Daawo Sawiro Qurxoon)

Waxaa maalinimadii shalay  lagu  qabtay holka way nee loo yaqaan SIR ALI MUSLIM CLUP xaflad  wayn xaladan aaya  ahayd mid logu xog waramayaya  dhamaan bulsho waynta SSC eek u dhaqan wadan ka Kenya

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay  kumanaan dadwaynaha reer SSC  halkaasi oo ay si wacan oo wada jir leh ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha SSC saleebaan ciise  ahmed  garaad jaamac garaad cali sidoo kale wasiirka arimaha dabeda ee SSC maxamuud ali jaamac iyo afhayeenka madaxweynaha SSC ahmed Mohamed xasan

Ugu horayn waxaa  furmay shirkii  loogu  talagay in ay ugu xog waramaan dhamaan bulshada SSC

Waxaane lagu daahfuray  xafladan hogwaranka ah aayadaha qur aanka kadib waxaa lagu soo dhaweeyay  afhayeenka SSC  ahmed  Mohamed xasan kane hog waramay  wixii ay qabteen iyo waxa u hadhsan

Sidoo kale waxaa MIC lagu soo dhaweeyay  wasiirka  arimaha dabeda  ee SSC mohamud ali jaamac waxaane uu sheegay  intii ay hayeen xilka in ay wax badan  qabteen waxbadane ay u hadhsan yihin  sida in ay  dal iyo dabadaba ay ogaysiiyeen in ay san ahayn SSC   wax doonayo in ay kala gooyaan soomaaliya ayne aamin sanyihin soomaalinimada iyo waliba kulamada ay la yeesheen  wasaarahada kala duwan  ee ka  hawl gala gudaha soomaaliya  xatuntooduna tahay  Nairobi ayne la kulmeen sida safaarada  USA  iyo kuwa kale oo badan hadane  uu u joogo in uu furo xafiiskii SSC ee Nairobi

Halyeeyada SSC aamino diiriye gonle waxaane ay sheegta in aysan ahayn SSC wax guri hostiis ku jirta mantane  ay  bananta taalo  umada soomaaliyeedna ay wada arkeen iyo tan caalamkaba  loone baahan yahay in ay dumarka SSC haw galaan isla markaasine ay  garab istaagaan madaxdooda .

Waxaa hadalkii la wareegay madaxweynaha SSC saleebaan ciise ahmed (xaglo toosiye) wuxuune u sheegay  umada SSC  in loogabaahan yahay  isgarab tag  iyo  in ay  meel ka wada duulaan  waxa kale oo uu sheegay  in  lakala daayo mab da a guud  oo ah SSC  iyo shaqsi ga la dhaliilayo  waxaane uu yidhi waxaane doonaynaa  in ay inaga dhaxlaan  owlaadeena SSC  ninkii diidan (Xaglo toosiye ) waa goni balse  hala ilaaliyo SSC aniguna waxaanu idin leenahay wax badan ayaanu qabanay  wax badane waa ay noo hadhsan yihiin ee  waxaanu iiga baahanahay  in aad nagarab istaagtaan  hadane meeshan aanu ku suganahay  ee Nairobi waa nalooga yeedhay  si aanu ula kulano  hay adaha kala duwan  ee ka hawl galo gudaha dalka soomaaliya

Guntii iyo gaba gabadhii ayaa waxaa halkaasi  dardaaran iyo duco ka soo jeediyaya garaad  jaamac garaad  cali  waxaane uu u sheegay  umada  SSC in  manta wax ay leeyihiin ay haystaan isla markaasine aysan cidna u daba fadhiisanayn  loone baahan yahay  in ay isgarabtaagaan maamulka

Xafladan ayaa waxaa soo agaasimay caaqil mataan xasan boobe  abdiwahaab Mohamed abdi  iyo saleebaan mohamud xaashi  waxaane ay ku dhamaatay  jawi aaad u quruxbadan


Abdiwahaab Mohamed abdiweyne

Nairobi Kenya

Email naaji2008@hotmail.com

LaasqorayNet-

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

5 Responses

  1. Dhulbahantow waxa wanaagsan inaad ka shaqaysaan sidii aad qayrkaa ula ficiltamilahayd oo horumar daacad ah dadkiina ugu dadaalilahaydeen…….inta aad dagaal ogaysaan oo ninka xaglatosiye oo reerkiisii oo dhan maraykan geeyey oo halkaa caruurtiisii wax ka bartaan inuu dhibaato u maleego dadkiisa ma aha…waxa wanaagsan inaad Somaliland inad xalad siyaasadeed la ciyaartaan…..intaasina canaan ha iga ahaato..waa mahadsantihin.

  2. waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan ummada ku abtisada
    magaca waxaan aad iyo aad uga xumahay inuu ninka wata
    magaca garaadka (binti jamac) uu meel uga dhacay magaca
    umada uu maleto markuu la kulmay nin asaguba qaxooti ku ah
    dalka ugandha oo uu waydiistay kaalmo.
    markaas waxaan kula talin lahaa( binti jama) inuusan mar labaad meel uga dhicin umada uu matalo oo ka fiirsado waxa uu samaynayo

  3. garaad pintland(gananka madow) walee in uusan wax khayr ah usoo kordhinayn. garaad siyaasi noqday xagee lagu arkay.
    xagal qaloociye aaway dhulkii uu yiri waan xoraynayaa, xoolihii islaamaha iyo caruurta laga aruursaday miyaa lagu damaashaadayaa nairobi.!!!!!

  4. Waa Hawl aad u wanaagsan lakiin waa in la shaqeeyaa oo umada wixii loogu dhaartay la fuliyaa hadii taas la helo hogaanku taageero uma baahna waxaana xaqiiqo ah u uu guulaysan doono insha allaah

  5. waan idin salamay bulshada ssc waxaan kuladardaarmayaa inlataageero hogaanka ssc wakhti fiican baa ilaahay inookeenay hogaamiyaha ssc dr saleebaan ciise axmed xaglatoosiye iyogaraadkeena guud garaad jamac garaad cali garaad jamac