webmaster@laasqoray.net

Sidee looga Ciiday Gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari

Gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa Maanta siwayn looga daramayey Munaasibadaha kala duwan ee ciidul Adxaa Waxaana Siwayn Maanta loogu tukadey Munaasibadaha ciida Magaaloyinka waawayn ee Goboladaasi sida Badhan iyo Dhahar oo dadku ay usoo bexeen goobo fagaare ah islamarkaasina caruurta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayadka ah siwayn dareenkooda looga dheehankarayey Farxada iyo Hadal haynta Mihiimada Maalinta Ciida.

Suuqyada Degaanadaasi ayaa lugu arkayey Caruurta oo ku ciyaaraya Waxyaalaha lugu yaqaan Maalinta ciida sida Firinbiyada Dhawaaqa ,Buufinada bacaha ah Baaskiilada Yaryar ee caruurta iyo Wax kale oo aad u farabadan oo halkaan aan lugu soo koobi karin ,Mashaayiikhda qaybohooda kala duwan ayaa ka qudbeeyey goobaha salaadaha lugu tukanayey Maanta iyadoo siwayna ay shacabku u soo camireen goobahaasi oo idil.

Sidoo kale Magaalada Ceeribo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa Maanta waxaa ka dhacay Dabaaldegyo xoogle oo ku aadan doorka faraxadeeda ee Maalintan oo faraxad wayn u leh dadka Muslimiinta ah meel kasta oo ay ku suganyihiin dacalada Aduunyada.

Masuuliyiinta kala duwan ee Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa qudbado kala duwan ka soo jeedinayey Goobahaasi iyadoo salaan ay u dirayaan Umada somaliyeed iyo guud ahaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Caalamka islaamka.

Maxamed Axmed Ciise

geedi7@gmail.com

Laasqoray.NET

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

4 Responses

  1. CIID WAANAAG SAN DHAAMAAN REER MAAKHIR MEELL KASTAAD JOOG TAAN CIIDA CIIDA CIID WANAAG SAN CIIDA

  2. CIID MUBAARAK. CIID WANAAGSAN.

    HOWSHA WANAAGSAN SIDAA KU WADA. WEBSITEKA HAS AN EXCELENT DESIGN AND IS MOBILE ACCESSIBLE