Sida aynu lawada socono Sadex Sano ka hor Magaaladda Badhan Waxaa laga aas aasay Maamul Goboleed Loogu Wanqalay Maakhir State Waxaa loo sameeyay dhamaan Astaantii Maamul lahaan jiray amaba lagu yaqaanay Sida Madaxweyne, Baarlamaan, Gole Wasiiro, iyo Astaanta Calanka.
Nasiib daro Maamulkaasi ma noqon mid hana qaada wuxuu noqday Sheega ma dhaafto mana uusan gaadhin yoolkii iyo u jeedooyinkii loo aas aasay Waxayna inta badan dadka reer maakhir aaminsanaayeen in dano gaara laga lahaa Maamulka Maakhir State wakhtigaas.
Maamul Goboleedka Maakhir State markii lagaga dhawaaqay Magaaladda Badhan ee Xaruunta Labaad ee Gobolka Sanaag ma jirin hirdanka iyo isugu faanka Labadii Sano ee u dambeysay ka socday Soomaaliya ee ku aadan Maamul Goboleedyada Cusub ee qaar kood aysanba haysan Deegaan ay ka taliyaan
Gobolada Maakhir waxay ku magacaaban yihiin Wakhti xaadirkan in ay katirsan yihiin Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed basle aysan ku haysan dhib iyo dheef ee uun ay Magac ahaan uga tirsan yihiin yadoo aan odhan karno Deeganada Maakhir qaar baanba aqoon Waxa la yiraahdo Puntland.
Markan Dareenka Dadka Reer Maakhir ee Gudaha iyo Dibada kala jooga Wuxuu marayaa Meel Xaasasiya Waxayna intooda badani hada dareemeen hagar daamada iyo dhibaatada uu Maamulka Puntland ku hayo Deegaankooda.
Qofkasta oo reer Maakhira meel uu joogaba Wuxuu ku haminayaa sidii markale boodhka looga jafi lahaa Maamul Goboleedkii Soomaaliyeed ee Maakhir State Waxaana marba marka kasii dambaysa soo badanaysa baahida ay u qabaan sidii deegaankooda loogu sameyn lahaa Maamul Goboleed u horseeda Nabad iyo Horu-mar.
Warbaahinta Caalamiga ee Laasqoray.Net Waxay Kutala jirtaa in ay sameyso Ra’i ururin ku aadan sidii loo sameyn lahaa Markale Maamul Goboleedkii Maakhir, Waxaanuna Akhristayaasha Sharafta leh ka codsanaynaa in ay noo diraan sida ay ula muuqato ee lagu dhisi karo Maamulkaas.
Xasuusin Waxaanu qaadan doona islamarkaana soo bandhigi doonaa Aragtida ama Fakarka Fiican ee aanu u aragno in uu waxtar u leeyahay hindisaha Maamul u sameynta Gobolada Maakhir.
Fadlan adiga oo mahadsan Cinwaanka hoos ku qoran kusoo dir aragtidaaada ku aadan Maamul u Sameynta Deegaanka Maakhir.
Laasqoray.Net@gmail.com
Laasqoray.Net-

November 30, 2010 at 4:55 am
aad bay ufududahay haddii la helo ficil iyo niyad wada socota.
November 29, 2010 at 4:55 pm
weyno awoodnaa in aan maamulk wanaagsan samsanoh lakiin dadku waxay ku tiirsanyahayhiin dadkoo da dibad joogah dhaale iyo maal gashi iyo in wax maaqdah marka laqabtoh oo waqti qadaynaysaah markaa waa in aanu ku kal soonaa nafteena aynu isku atshanaa yaan lagu tashay puntland iyo samliland iyo dadklae inagu weyn isku tashaa nafteena markaa waxaad amdoo in kalsooni daro inahaysoh eeg ximan iyo xeeb iyo galmudag inag