Siyaasiga Weyn ee Cismaan Jaamac Cali “kalluun ayaa dib uga noqday Magaaladda Haregysa ee Xaruunta Maamulka la baxay Somaliland kadib markii uu dhawaan ku yimi safar gaaban o dhaliyay Muran Siyaasadeed islamarkaana ay Shacabka Deegaankaasi ka xumaadeen imaanshiyaha Cismaan Kaluun Magaaladda Hargeysa maadama uu aaminsan yahay nidaamka fadraalka.
Siyaasi Cismaan Jaamac Cali oo lagu Naaneyso Cismaan Kallluaan ayaa Raysal wasaare kuxigeen kasoo noqday Dowladii Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xassan ee Lagu dhisay Dalka Jabuuti Wuxuuna aamisan yahay mabaa’diida Fadraalka islamarkaana wuxuu si weyn uga soo horjeeday Siyaasada Maamulka Somaliland.
Siyaasi Cismaan Jaamac “Kalluun” ayaa Safarkii uu dhawaan ku yimi Magaaladda Haregysa saameyn weyn ku yeeshay Shacabka Reer Somaliland sidoo kale Xukuumada Somaliland ayaa dhinacnau saari weyday u jeedada safarka uu ku yimi Magaaladda Hargeysa Cismaan Kalluun.
Cismaan Kalluun wuxuu Magaaladda Haregysa kula shiray Beeshiisa Habaryoonis waxayna kawada hadleen sidii lagu horu-marin lahaa Deegaanka Beeshu degto wuxuu sidoo kale mudadii uu joogay Magaaladda Hargeysa kula kulmay Siyaasiyiin reer Somaliland ah.
Siyaasi Cismaan Jaamac Kalluun ayaa ka hor inta uusan aadin Magaaladda London Wuxuu sii marayaa Magaaladda Dubai Waxaana lagu wada marka uu gaadho Magaaladda London in uu Warbaahinta ka hadlo oo uu ka waramo waxyaabihii uu kusoo arkay Gudaha Magaaladda Haregysa.
Laasqoray.Net-
