webmaster@laasqoray.net

Somaliland oo Dowlada kuwait weydiisatey Maal gelin

Madaxweynaha maamulka Somaliland ee Waqooiyga Galbeed Somalia oo ku sugan dalka Kuwait ayaa waxa uu dowladaas weydiistey maal gelin iyo kaalmo ay dowlada ku Kuwait ku maal gelinaysao AIRPORT-da Berbera iyo Hargeysa isla markaana ay Dowlada Kuwait ku xidhey SHARDI AH ineysan Somalia ka go’i kareyn Somaliland.

Madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland Mudane Siilaanyo oo ahaa hogaamiyihii jabhadii dhiiga xaq daradaha daadisey ee SNM ayaa ku hungoobey qorshe dheer oo uu watey oo ahaa inuu Dowladaha Carabta lacago badan iyo ICTIRAAF.

Siilaanyo markuu arkey ineysan Kuwait iyo Emaaraadku ujeedin howlahaas ayaa la taliyaashiisu kula taliyeen wadadii uu qaadey Riyaale ee aheyd inuu weydiisto dhaqaale dhinaca banii-aadamka ah waana tan keentey inuu hada Dowlada Kuwait weydiisto taageero dhinaca horumarinta ah.

Warbaahinta SNMta oo looga bartey caadifnimo ayaa u fasiratey weydiinta kaalmooyinka ICTIRAAF oo isla markaas been abuuro ku sameeyey Masuuliyiin Soomaaliyeed oo la shaqeeya Dowlada Kuwait oo ka mid yahay Danjire Cumar Xaaji Cali oo isagu ay Amiirka Saaxiib yihiin.

Danjire Cumar Xaaji Cali oo hore u ahaan jirey Qonsulka Dalka Kenya ayaa hore waxa uu Dowlada Kuwait uga keeney Deeqo oo isla markaas Magaalada Muqdisho geeyey diyaarad siday Daawooyin iyo  aqab caafimaad oo kale xiligii uu Madaxweynihii Hore ee Somalia Mudane Cabdullahi Axmed Yusuf ka talinayey Muqdisho.

Sidoo kale Danjire Cumar Xaaji Cali ayaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane C/raxman Farole kusoo dhoweeyey Dalka Kuwait isla markaana ka shaqeeyey tegitaankii Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha General Ilkajiir.

Dowlada Kuwait oo ah Dowladaha safka hore kaga jira caawinta Soomaaliya ayaa balan qaadey iney dhisi doonto Dekeda Laasqoray iyo Jaamacada Maakhir, Airpordada Garowe iyo Bosaaso isla markaana kaabin doona kobcinta dhaqaalaha Maamulka Puntland ee Somalia.

LaasqorayNET-Kuwait

Comments are closed.