Qoraal ay Hay’adda UNICEF ku sheegtay inay Gargaarka loo fidinayo gobolka Sanaag ee abaaruhu ka jiraan uu ka iman doono xaruntooda magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland , ayaa waxa diidmo ka hor keenay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland maxamed cabdi cumar oo sheegay in arintaasu ahayn wax ay qaadan karto Xukuumadda Somaliland oo meel ku dhac ku ah.
Wasiirka wasaarada arimaha dibada maamulka Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa sheegay sidan “ in Hay’adda UNICEF ay xarun ku leedahay Caasimadda Hargaysa, isla markaana wixii gargaar ah ee ay fidinayso ay Somaliland u soo mariso, waxaanu yidhi, “Dawladda Somaliland ogolaan mayso in Gargaarka bariga Sanaag la soo mariyo Maamul kale, Hay’adda UNICEF-na ka yeeli mayno arrintaas”.
qoraalada wasiirka waxa kale oo ka mid ahaa qoraalkii uu u diray UNICEF “Hay’adda UNICEF waxaan ugu baaqayaa in wixii gargaar ah ee loo fidinayo ”Bariga Sanaag” looga qaado Xarumaha ay Hay’addu ku leedahay J. Somaliland, balse Xukuumadda J. Somaliland u dul-qaadan mayso in meel kale loo soo mariyo.
Maamulka somaliland ayaa waxay ka raali noqon waayeen markii ay Hay’adda UNICEF ay qoraal u soo gudbisay Hargaysa , kaas oo ay kaga dalbanaysay inay Gargaarka ay u fidinayso Sanaag ay u soo mariso xarumaha ay ku leedahay Magaalada Garoowe ee maaamulka Puntland ee Somalia.
Cadaawada Qaawan ee ay muujiyeen masuuliyiinta beelaha Hargeysa ee ku aadan caro Maakhir ayaa waxaa ka dhego adeyga ama iska indhatira raacatada jooga Hargeysa oo sheegata iney Sanaag Metelaan hase yeeshee aan wax jawaab celis ah ka oran hadalada haraaga SNM.
