Ciidamada Booliska iyo kuwa Koofiyad Casta ee Kenya ayaa Xalay Gudaha Xaafada Islii ee Waqooyiga Magaaladda Nairobi ka sameeyay Raafkii kii ugu darnaa abid Waxayna dhamaan xidheen xaley Wadooyinka Xaafada Islii si ay u qab qabtaan Soomaalida ku dhaqan halkaas.
ku dhawaad 100 Gaadhi oo nooca loo yaqaan Loori oo inta badan lagu daabulo dadka marka uu jiro Raaf ayaa qeybaha kala duwan ee Xaafada Islii hal mar soo wada galay waxayn qab qabteen dhamaan dadkii wadooyinka marayay iyo kuwii saarnaa Guwaadhida.
Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in Raafkii Xaley lagu qabtay dad kor u dhaafaya 470 qof kuwaas oo qaar kamida ilaayo hada ku jiraan jeelasha Magaaladda Nairobi waxaa laso daayay dadkii laga helay Aqoonsiga ay dalka ku joogaan,
Sida la rumaysan yahay Raafkan ayaa ka duwan kii hore waxaana ku jira dadka la qab qabtay Dad Dhalashadoodu tahay Kenyan iyo kuwa Waal Waalan, Ciidamada Raafka Sameynayay waxay toos u galeen qaar kamid ah Hotelada amaba Arbeekooyinka la jiifsado iyo Maqaaxiyaha Cuntada.
Raafkan ayaa wuxuu imanaya kadib maarkii maalinimadii Jicmaha loo geystay Ciidamada Booliska ee Kenya Qaraxyo kala duwan, waxaana baadhi taan kadib lagu ogaaday in qaraxyadaasi dhaafsiisnayn dadka Kenyanka ah islamarkaana aysan lug ku lahayn Soomaalida ku dhaqan Kenya iyo koox diimeedka ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya ee Alshabaab.
Markasta oo Magaaladda Nairobi ay ka dhacaan rabshado Xaafada Islii ee Soomaalidu degto Waxaa soo gala kumanaan ciidana Waxayna Raafaan dhamaan Soomaalida mareysa Wadooyinka iyo kuwa ku jira Guryaha waxayna hadho kusoo daayaan lacag farabadan.
Laasqoray.Net-

December 7, 2010 at 12:27 pm
daa hala qabqabtee dalkina joga laga waa reer sanag maku jiran beeyow kuwas celna uma qodna dadna uma maqna melkasta waa ku baba’ayan allow u gargar….
waxan u hanbalyeynaya mamulka lasqoray.ney sida wayn ee uu arimaha gobolka u soo bandhigo iyo sida uu uga hadlo cidii fara galin kusamaysa arimaha gobolka ha ahato dadka udhashay ee hungiriga donaya iyo mamulada ku dhow ee cadowga ku ah