webmaster@laasqoray.net

SPR oo wareysi la yeelatey Col. Cali Sabareey iyo Caaqil C/raxmaan Axmed Olol oo ka waramay war saxaafadeedkii kasoo baxay S/land

Buuhoodle (SPR): Kadib markii shalay ay maamulka S/land warsaxaafadeed kasoo saareen go’aan ku aadan arintii dib u heshiisiinta beelaha xurguftu ku dhex martey deegaanka Kalshaale oo ay shir saxaafadeed kusoo saareen in ciidama S/land ah goobahaasi la geyn doona ayaa waxaa laga dareemayay deegaanada Buuhoodle saan-saan colaadeed. Arintan ayaa waxaanu ka wareysaney gudoomiye kuxigeenka maamulka SSC oo ah maamulka gacanta ku haya goobahaasi Col. Cali Sabareey.

HALKAAN KA DHAGAYSO WAREYSIGII

Sidoo kale waxaanu wareysaney nabadoon ka mid ah nabadoonada ugu magaca iyo miisaanka weyn deegaanada xarunta Ceyn Caaqil C/raxmaan Axmed Olol. Caaqilka ayaa inooga waramay sababihii keeney in shirkii nabadeynta uu fashil ku dhamaado, iyo waliba nooga warbixiyey xaalada deegaanada Buuhoodle. Caaqil ayaa wuxuu u direy baaq guud ahaan labada ciidan ee is hor fadhiya, iyo gaar ahaan baaq ku aadan maamulka S/land.

HALKAN KA DHAGAYSO WAREYSIGII OO MP3 AH

Isha warka, Somali Public Radio

Comments are closed.