Suldaanka Guud ee Gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari Suldaan Siciid Suldaan Cabdilsaan ayaa goordhayd kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Jomma Kenyatta International ee Magaaladda Nairobi, Suldaanka ayaa Waxaa goorka si heer sarre ah ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Reer Maakhir ee Dalka Kenya.
Suldaan Siciid Suldaan Cabdilsaan ayaa Saacada Geeska Africa markii ay ahayd 5:00 Galabnimo kasoo dagay garoonka Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya, Suldaanka ayaa waxaa si heer caalami ah u soo dhaweeyay Jaaliyadda Reer Maakhir ee Dalka Kenya.
Suldaanka ayaa sida aanu wararka ku helayo u gudbi doonaa Maalmaha soo socda Magaaladda London halkaas oo ay heegan ugu jiraan qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Reer Maakhir.
Ujeedada Safarka Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Waxaanu idiinku sheegi doonaa wararkayaga dambe.
Goordhow Filo Sawiradii Soo Dhaweynta Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.
Laasqoray.NET
Laasqoray.NET@gmail.com
