Suldaanka Guud ee Deeganada Maakhir Suldaan Siciid Suldaan C/salaan oo ku sugnaa ku dhawaad bil Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya ayaa maanta dib ugu noqday Soomaaliya, Sida wararku nagu soo gaadhayaan Suldaanka tagi taankiisa kama aysan war hayn Jaaliyadda Reer Maakhir ee Dalka Kenya waxay ka war heshay Jaaliyaddu Suldanaka oo Maanta ka dhoofaya Garoonka Diyaarahada ee Jomma Kenyatta
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan ayaa Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya soo gaadhay bilowgii bishii hore waxaana booqashadiisa Lagu sheegay in uga sii gudbi doono Magaaladda London oo uu kaga qeyb galayo Shir Lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan kama uusan qeyb galin Shirkaas sida dad ka og dhow sheegeen wuu ka baaqsaday inkastoo aan la cadeyn sababa keenay in uu ka qeyb gali waayo.
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan mudadii uu ku sugnaa Magaaladda Nairobi wax shira uma uusan qaban Jaaliyada Reer Maakhir oo dadaneynaysay in uu Suldaanku uga Xog waramo Xaalada deegaanka Maakhir oo qeybo kamid ahi dagaalo ka dhaceen iyo guud ahaanba Gobolada Maakhir Xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin.
Waxaa Xusid mudan in Shirkii Suldaanka Lagu casuumay ee ka dhacayay Magaaladda London uusan jirin meel qudha oo lagu soo daabacay amaba sheegaya in uu dhacay shirkaas, ilaayo hada dad badan oo reer maakhira ayaa ku wareersan Safarka Suldaanku ku yimi Magaaladda Nairobi.
Wararka qaar baa sheegayay in Suldaanka lagu Casuumay Shir ka dhacayay magaaladda London ee Xaruunta Dalka Britain oo lagaga hadlayay Arimaha Somaliland inkastoo markiid ambe uu Suldaanku beeniyay.
Dad badan oo reer Maakhira ayaa is weydiinaya Waxa ka dhigay Suldaanka Safarkiisa marwalba Sir ama Qarsoodi, dadka qaar baa waxay u nisbeeyaan arintaas Suldaanka oo ku xidhan maamulada dhinacyada islamarkaana raba in uu qanciyo Beesha Reer Maakhir ayaa keentay in Suldaanka Safaradiisa dad badan ku wareeraan.
LaasqorayNet-
Laasqoray.Net@gmail.com

December 7, 2010 at 10:26 am
suldaanka isaga laga rabaa in uu u xog waramo, sida garaadka
ssc arimahooda meelka gaar siiyey dadkiisuna meel kasta ku soo dhowaynayaan. waxaa wax badan la sheegaa in suldaanku dadka
ka soo jeeda jaaliyada maakhir ka dhuunto oo aanu qaabilin.
yaan cidna madaxa loo salaaxin, qofku haddii uu umad magaceeda ku hadlayo waa in uu hadlaa sida garaadyada umadaha kale. miyuu ka liitaa. umadu haddii uu aanu qofku waxa uu ku magaacaban yahay ka soo baxeen, ha iska dsaayo darajada uu ku magacaaban yahay. waa in aan nina la nicin lana jeclaan ee lagu qiimeeyo wax qabadkiisa.
December 7, 2010 at 8:00 am
Warsangeli , weli ma suldaan iyo sheeekadii gabowga ahayd baa daba joogtaan, Waa damaadey waqtigii Suldaanadu wax tari jireen, Saciidna waxa uu la mid jahay Qiima dhaca ku dhacay Salaadiinta Soomaaliya oo dhan.
Waa dhamaatey xiligii Suldaan oo mushkiladaha hada taagan xaliyijeen, Arinku waxau baahanyahy aqoonyahano dacaada ah.
“5 kursi waa iska barakaysan lahayn” Suldaan Saciid
December 7, 2010 at 6:40 am
kkkkkkkkkkk war suldaanka ha la daayo maaha siyaasi siyaasiyiinta baa afka lagu taaga website yada laga maaga maha ee xushmeeya waxaana la hadlaya dadka ku abtirsada reer maakhir
December 7, 2010 at 6:48 am
yaan cadowgeenu isku keen dirin oo intey comments soo qoraan la moodin inay inagu isu soo qornay ee dareema in ilo kale jiraan aynu isku dubnaano reer maakhir suldaankana maha doqonta cadowgeena inay ogaato safarkiisa iyo arimihiisa ilaa nairobi somaliya waxba ma dhaanto maanta wax kasta waa ka dhacaan
December 6, 2010 at 11:17 pm
Sutan siciid s.cabdi salaan waxan qabaa inay xaq ahayd inuu iska. Aamuso waayo dadka rer maakhaari ayaa wakhtikan jaah wareer ku jira
December 6, 2010 at 10:26 pm
aad ayaan idin salaman sanad wanaagsan kul cam wa antum bikhair marka hore suldaanku wuxu ugu soo laabtay dalka sidi uu uga qayb geli laha shirka ka dhacaya magalada carmo bishan oo loga hadlayo amiramaha galgla sida aan la wada socono waxa ay ku kulmeen magalada nairobi madaxaweyne faroole iyo ilka jir iyagana suldaanka ka codsaday in uu dalka dib ugu soo laabtay oo ka qayb galo shirkaas insh alah waxan rajayn in shirkaasi guul ku dhamado reer puntland ay noqdaan dad ku midooba cadawgoodana meel uga soo wada jeensada
December 6, 2010 at 9:55 pm
Suldaan ku miyaanu aheyn suldaan kii warsangeli dadkan uu kadhuumanayona miyaney aheyn shacabkisiii sow ma heyn inuu lashiro jaaliyada Reer makhir ee Kenya oo u xogwaramo ,Suldaanku muxuu ugu dhaqamyaa sidii Nin siyaasi ah ,,,,,,,,,,