waxaa maanta dib u furmay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii shalay ay saameyn ku yeesheen xiisado u dhaxeeya Labo beelood oo ka soo kala jeeda Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo.
Xirnaashiyaha Suuqa Bartamaha Gaalkacyo ayaa yimid kadib markii ganacsatada halkaasi wax ku iibisa ay shalay ka cabsadeen inay saameyn ku yeeshaan dilal la xariira aanooyin qabiil oo mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay duleedyada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Dilkii ugu dambeeyay ee la xariira aanooyinka qabiil ayaa shalay waxaa uu ka dhacay tuulo 20 km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, kadib markii kooxo dabley ah ay halkaasi ku rasaaseeyeen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah iyagoo horay u kaxeystay mid ka mid ah dadkii gaarigaasi saarnaa.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Saakay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay dib loo howlgaliyay goobihii ganacsiga ee ka jiray Suuqa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo walow wali dadku ay dareemayaan cabsi la xariirta aanooyinka qabiil.
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in dib u howlgalida Suuqa ay ka dambeysay kadib markii ay xalay wadahadal qaateen Ganacsatada ka soo kala jeeda Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo kuwaasi oo ku heshiiyay in dib loo furo howlaha ganacsi ee ka jiray Suuqaasi.
Dhinaca kale waxaa Magaalada ka socdo Kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Odayaasha dhaqanka ee labda dhinac, Maamulada Galmudug iyo Puntland iyo ganacsatada Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo kuwaasi oo ka wada arinsanaya sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha ka soo cusboonaaday Magaaladaadi iyo deegaanada hoostaga.
Laasqoray.Net-
