webmaster@laasqoray.net

Suxufiyiinta Somaliyeed Ee Dalka Uganda Oo Soo Dhaweeyey Shirkii NUSOJ Ee Muqdisho iyo Xubnaha La Doortay.

Kampala: Suxufiyiinta Somaliyeed ee ku Nool Dalka Uganda ayaa waxay ka Hadleen Shirkii uu Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee Marka Magiciisa la soo Gaabiyo Loo Yaqaaan Nusoj ku Qabteen Magaalada Muqdisho Kaasoo Lagaga Hadlay Marxaladaha uu Ururku Marayo Dhibaatootinka iyo Caqabadaha Jira iyo Weliba sidii si wadajir ah loo Wajihi Lahaa iyadoo ay iskaashanayaan Dhamaan Suxufiyiinta Meelkasta ay Joogaan.

Saxafiyiinta Somaliyeed ee Dalka Uganda Waxay ku Tilmaameen Shirkaasi mid wax weyn ka bedelaya Mad Madowgii Beryahan Danbe soo Baxayey ee u dhaxeeyey Dhinacyadii is eedaynayey iyagoo Sidoo Kalena Ugu Baaqay Suxufiyiinta Inay Midoobaan wixii Khilaafa ee Jirana Wadahadal iyo isfahan Lagu Dhamyeeyo.

Xubanaha  Mar Kale loo Doortay Hogaaminta Ururka Nusoj ayay ugu Baaqeen inay ka shaqeeyaan Midaynta Suxufiyiinta Somaliyeed ee Hada Tirada ka Batay, waxayna ugu Baaqeen Hogaanka Sare ee Dib Loo Doortay inay Gogol u fidiyaan cidkasta oo waxtabanasa isla Markaana Miiska wadahadalka lagu dhameeyo wixii is fahandara ah ee Jirta.

Waxay Kale oo Sufuxufiyiinta Somaliyeed ee Dalka Uganda Ugu Baaqayaan Nusoj inay Dadaal Dheeraada u Galaan sidii Kaalmo iyo Taageeraba ay ula garab istaagi lahaayeen Saxafiyiinta Somaliyeed ee Dhibaataysan iyo Kuwa ku shaqaynaya Meelaha Dagaaladu iyo Dhibaatooyinka kaleba ka Jiraan.

Markale Suxufiyiinta Somaliyeed ee Dalka Uganda waxay U hanbalyeynayaan Xubnaha Markale loo Doortay Hogaaminta Nusoj, waxayna u Rajaynanaa Guul iyo wada shaqayn.

C/qaadir Kaarshe
Kampala Uganda
Kaarshe997@hotmail.com

Comments are closed.