webmaster@laasqoray.net

Taageerayaasha SNMta oo u dabaal degey niyad jabka 20ka sano

Taageerayaasha Maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland ayaa maanta u dabaal degey gooni isu taaga fashilmey ee maamulkaasi ku dhawaaqey mudo hada laga joogo 20 sano iyadoo qaarkood ku faraxsanaayeen xoriyad ku sheega ay heleen 18kii may ee 1991.

Taageerayaasha maamulkaas oo beelaha Waqooyi Galbeed u badan ayaa sidoo kale qurbaha waxay ku dhigeen damaashaad ay ug damaashaadayaan sanad guurada 20aad ee gooni isu taagooda iyagoo amaano kala duwan usoo jeedinayaa Jabhadii ISIR sooca aheyd ee SNM ee gacanteedu ku dhinteen dad badan oo aan waxba galabsan.

Dooda iyo dacwada ay ka qabaan taageerayaasha SNM ayaa hore ugu cuntami weydey caalamka oo idil iyadoo ay xitaa Israaiil aqoonsi ka raadsadeen hase yeeshee aan dhegta jalaq loo siin iyadoo caalamku uu ka dheregsan yahay inuusan qabiil qaran iyo jamhuuriyad toona noqon isla markaana dhamaan dowladaha Caalamku hal ku dheg ka dhigteen MIDNIMADA SOOMAALIYA WAA MUQADAS.

Beelaha dega Waqooyi Galbeed oo caadifado qabiil ku beerey jiilashii dhashey dagaalada Sokeeye ka dib ayaa noqdey mid lagu tilmaami karo iney raacayaa siyaasadaha guracan ee isir sooca iyagoo aaminsan ineysan la midoobi kareyn beelaha kale ee Soomaaliyeed oo degen geyiga Soomaaliya isla markaana ku dacwooda ineysan dooneyn iney MINORATY noqdaan.

 

Bishii June 1993 ayaa dhabar jabkii ugu horeeyey ee ku dhaca beelaha ku doodaya gooni isu taaga Maxmiyadii Ingiriiska aheyd kadib markii Beelihii Maakhir ay ku shireen Magaalada Hadaaftimo oo uu shirkaasi daadihinayey Marxuum Suldaan C/salaam Suldaan maxamuud Cali Shire isla markaana ay dhamaan beelaha Maakhir isla qaateen iney MIDNIMADA SOOMAALIYA MUQADAS TAHEY isla markaana ay dhaxal noqotey mowqifkaasi.

Hase yeeshee Caalamka oo ka dhego adeygey calaacalka SNM ayaa maanta waxay ku mudaharaadeen Aqalka looga taliyo Dowlda UK iyagoo erayo ay ka mid ahaayeen NA ICTIRAAFA AGOONTIINAA AYAANU NAHEY ku ruxayeeen albaabka laga galo aqalka 10 Downing Street.

Waxaasey jawaabta Boqortooyada Biritaaniya ay aheyd arimahaasi anaga nama khuseeyaan oo midnimada Soomaaliya waa MUQADAS, waxayna taniniyad jab kale ku noqoneysaa taageerarayaasha SNMtal

Comments are closed.