webmaster@laasqoray.net

Tababar loo qabtay gudiyada xaafadaha Badhan ora

Tababar oo soconayey mudo saddex maal mood ah loona qabtay gudiyada shanta xaafadood ee Deg Badhan ayaa maanta ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, tababarkan oo ka duwanaa kuwii hore loo qaadan jiray ayaa waxaa soo qaban qaabiyey golaha deegaanka iyaga oo la kaashanay aqoon yahanka iyo culimo aw diinka degmada Badhan.

Tababrkan oo gudiyada xaafadaha aqoontooda kor loobu qaadayey ayaa waxaa inta badan uu diirada saarayey fahanka iyo barashada waxa ay xaafadi tahay iyo waxa ka dhexeeya dadka deriska ah sidoo kale hogaamiyaha wanaagsani waa qofma iyo sida dhamaan looga baahan yahay.

Sidoo kale waxa ya shaqadoodu tahay iyo waxa loo igmaday furitaankii kadib ay halkaas waano iyo waxsheeg uga soo jeediyeen culimada ku dhaqan degmada sida Sh C/xayi aw muuse, Sh Max’ud Max’ed cumar C/casiis Axmed Dhahar iyo Xaaji Maxamuud Maxamed Shire.

Waxaa la odhan karaa tababarkani waxa uu ahaa mid aad uga qiimo iyo waxtarba badan kuw badan oo dadka loo qabto waayo waxa uu ku wada qotomay Diinta islaamka iyo waajibnimadeeda sidii dadka deriska ahi wax u wada qabsan lahaayeen, sidoo kale waxa laga doonayo qofka gudi ama masuul ah.

DAAWO SAWIRO KALE:

Qaar ka mid ah haweenka ku jira gudida xaafadaha Degmada Badhan

LaasqorayNET-Badhan

Comments are closed.