webmaster@laasqoray.net

Tababar Loo Qabtay Suxufiyiinta ka Hawlgasha Magaaladda Boosaaso.+Sawirro

Tababarkan oo ay Maanta ka soo qaybgaleen Suxufiyiin ka howlgala Laamaha kala duwan ee Warbaahinta Gudaha Magaalada Bosaso ayaa waxaa maalgelisay Hay,adda EREX Waxaana uu socondonaa Mudo dhan 6Cisho iyadoo looga Hadlayo Habka Shaqo ee ay u Howlgalaan Laamaha kala duwan ee Warbaahinta Reer Bosaso.

Waxaa ka soo qaybgalay Siminaarka Wariyaal Farabadan waxaana Fulinaysa Hay’adda Wadaniga ah ee ASAL.

Wax sidoo kale Halkaasi joogey Qaybaha kala duwan Maamulada Idaacadaha Daljir,TVga ETN,SBC TV and Radio ,Herseed Media iyo Qaybo kale oo ka mid ah Warbaahinta ka shaqaysa Bosaso oo looga doodayo maalmaha soo socda Caqadabaha iyo waxyaalaha ku yimaada Xiliyada Wardoonka.

Siminaarkani ayaa ah midkii ugu Balaadhnaa ee Mudooyinkii la soo dhaafay loo qabto Warbaahinta ka howlgasha Gudaha Magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland.

Laasqoray.Net-

Comments are closed.