webmaster@laasqoray.net

Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Milateriga oo ay Xukuumadu magcawday

Dowlada ku meel gaarka oo hore xilalkii uga qaadey taliyaashii ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidanka Milateriga Soomaaliyeed ayaa maanta magcawday saraakiisha hogaanka u hayn doonta ciidamadaasi.

Dowlada ayaa ciidanka Milateriga u magcawday inuu hogaanka u qabto Gaashanle Sare Cabdula qaadir Shiik Diini iyadoo u xilka la wareegayo sarkaal kani xili ay dowlada ciidamadeeda ay ka cabanayaan arad iyo dayac haysta.

Sidoo kale Dowlada ayaa waxay u magcowda Gaashanle Sare Shariif Maye inuu noqdo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dowlada ayaa dagaalo ba’an kula jirta xoogaga kasoo horjeeda iyadoo bilihii ugu danbeeyey ay dawladu xaqiijisey guulo yar yar isla markaana dib riixdey xoogaga mucaaradka ah.

Sidoo kale magcaabista saraakiishan ayaa imaneysa xili ay ciidamu dhexdooda is qab qabsadaan iyadoo aysan laheyn wax nidaam ah oo ciidamo badan oo lasoo tabo barey ay ku dayacan yihiin xeryaha muqdisho.

laasqorayNET- Muqdisho

Comments are closed.