Mid ka mid ah taliyaasha Saldhigyada Booliska ee Degmada Ceerigaabo oo ka amar qaata Maamulka Somaliland ayaa lagu diley magaaladaas iyadoo dilkani uu ka dhacay gudaha Saldhiga Daalo ee bartamaha Magaalada isla markaana taliyihii Madaxa laga toogtay.
Dilkan ayaa yimi kadib markii uu soo galey nin ku hubeysan baaskoolad isla markaana galey xafiiska Taliyihii Saldhiga isla markaana si kedis ah ku toogtay Taliyihii hore ee Saldhiga degmada Ceerigaabo oo lagu magcaabi jirey Jaamac Ismaaciil (Garmaqaate) isla markaana beel ahaan kasoo jeeda Beelaha Isaaqa ee ku dhaqan Waqooyiga Degmada Ceerigaabo.
Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan iyadoo ay sheegayaan wararka qaarkood in loo diley aano qabiil iyadoo ninkii diley sarkaalkan uu u baxsadey dhinaca Gobolka Sool ee deriska la ah Sanaag.
Xaga warar kale ay sheegayaan in Dilka Taliyaha geeriyooday uu geystay mid ka mid ah askarta ka howlgasha saldhiga ciidanka degmada Ceerigaabo oo isla beel ahaan kasoo jeeda jufooyinka Isaaqa ee ku dhaqan Waqooyiga Ceerigaabo isla markaana ninkii geystey dilka uu baxsadey Buuraha Daalo ee Ceerigaabo u dho dhow.
Magaalada Ceerigaabo ayaa gacanta waxaa ku haya Maamulka isir sooca ah ee Somaliland iyadoo uusan maamulkaasi wax horumarin ah ka geysan magaalada ayna siyaasiyiinta Hargeysa u arkaan magaaladu iney tahey furin iyo goob xuduud ah oo aan amaankeeda la isku haleyn kareyn.
LaasqorayNET- Bosaaso
