Wararka ka imanaya Magaaladda Boosaaso ayaa sheegaya Qarax xoogan oo goordhayd ka dhacay Magaaladda Boosaso gaar ahaan Xaafada New Boosaso waxana sida la sheegay qaraxaas ku dhintay saraakiil uu ku jiro Taliyihii Saldhiga Baalade.
Qarax aan wali noocisa la shaacin ayaa wuxuu goordhayd ka dhacay gudaha Xaafada New Boosaaso ee Magaaladda Boosaaso Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii Saldhiga Baalade Xuseen Cali Dheere.
Qaraxan ayaaa waxaa sidoo kale ku dhintay Afar Askari oo saarnaa Gaadhiga lala beegsaday Qaraxa wuxuu yana dhaawac halis ah kasoo gaadhay qarar katirsan Askartii saarnayd gaadhiga.
Meydka Taliyaha Saldhiga Baalade Mudane Xuseen Cali Dheere iyo askartii kale ee ku dhimatay qaraxaas iyo dhamaan askartii kale ee uu dhaawacu soo gaadhay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka guud ee Magaaladda Boosaaso.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa islamarkiiba waxaa isku soo gadaamay ciidamada amaanka ee Magaaladda Boosaaso waxayna markiiba bilaabeen in ay afarta jiho ee meesha uu qaraxu ka dhacay rasaas qabad siiyaan.
Qaraxan ayaa wuxuu kusoo aadaya kadib sadex cisho oo Magaaladda Boosaaso ka socdaan Raaf xoogaan kaas oo dad tiro badan lagu soo qab qabtay oo u badan koonfurta soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu kusoo aadaya xili shaley Magaaladda Boosaso lagu dilay mid kamida dadka lagu tuhun sanyahay dilalka qorsheysan ka fuliya gudaha Magaaladda Boosaaso.
LaasqorayNet-
