webmaster@laasqoray.net

Ugandha oo ku hanjabtey iney ciidamadeeda kala bixi doonto Somalia

Madaxweynaha Dalka UGANDHA Yuweri Musaveni ayaa hadal kulul ka jeediyey shirkii ay lahaayeen Kooxda xiriirka Caalamiga ee Somalia isagoo yiri iney dawladiisu taageersantahey xil kororsiga Madaxweynaha Dalka Somalia Sheekh Shariif.

Madaxweyne Musaveni ayaa ku tilmaamey in hadii doorasho la qabto bisha 8aad 20da ay tahey dibu dhac ku yimi arimaha la dagaalanka kooxaha Alshabaab iyo taageerayaashooda isla markaana ay isa soo abaabuli doonaan.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu intaa ku darey in hadii ay doorasho dhacdo bisha 8aad oo madax la bedelo ineysan dalkiisu haysan sharciyad ay kusii joogi doonto Somalia isla markaasna taasi micneheedu yahay iney Ugadha ciidamadeedu ka bixi doonaan Soomaaliya

Waxaa xusid mudan in maamulada ka jira Somalia oo ay ugu horeyso Puntland ay ku doodeyso in la bedelo hogaanka sare ee Dowlada ku meel gaarka ah, waxaana sidoo kale taageersan fikirka in doorasho dhacdo ergeyga gaarka ah ee UN u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Danjire Mahiga.

Murankan ka dhashey doorashada la saadaalinayo iney dhacdo bisha 8aad oo 2bilood ay inaga xigaan ayaa waxaa bar bar socda dagaalo xoogan oo ay ciidamada Dowlada Soomaaliyeed iyo kuwa Alshabab uu ka socdo Magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo koonfurta Soomaaliya ku yaala.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.