webmaster@laasqoray.net

ulshada Bani’aadamnimada Waxaa ay Soo Dhoweyneysaa Dhawaaqii Al Shabaab ay Ku Dhawaaqdey in Degaamada ay Gacanta ku Hayso ay Dib Ugu Fureyso Hawlaha Bani’aadamnimada

Bulshada bani’aadamnimadu waxaa ay soo dhoweyneysaa dhowaaqii Al Shabaab ay ku dhawaaqdey in degaamada ay gacanta ku hayso ay dib ugu fureyso hawlaha bani’aadamnimada, laakiin waxaa bulshada bani’aadamnimadu ay weydiisaneysaa in ballanqaad laga siiyo in shaqaalaha gargaarku ay si ammaan ah ku gaarayaan dadka ugu baahi badan gargaarka.

Bishii Jannaayo 2010kii, ayaa Al Shabaab ay soo ceyrisey qaar ka mid ah hay’adihii gargaarka ee ka shaqeynayey koonfurta Soomaaliya, taas oo aad u xakameysey hawlihii gargaarka ee ka socdey degaamada ay hadda abaartu sida ugu xun u taabatey. Xaaladda hadda ka jirta koonfurta Soomaaliya ayaa ah tii ugu xumeyd ee soo marta tobankii sano ee ugu dambeeyey waxaana haddii hawlaha bani’aadamnimada aan horey laga bilaabin dhimman doona kumanaan qof.

Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mark Bowden, ayaa yiri: “Malaayiin qof oo Soomaali ah, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, ayaa ay soo wajahdey heerar gaajo iyo baahi aad u ba’an. Waxaan soo dhoweynayaa laalidda la laaley xakameyntii hay’adaha gargaarka waxaana aan ku faraxsanahay in aan iskaashi la yeesho cid kasta oo gacan ka geysan karta in la fududeeyo dhibaatooyinka hadda taagan lana badbaadiyo nolosha boqollaal qof oo Soomaali ah.” Mark Bowden waxaa uu soo dhoweynayaa in wadahadallo dhaqso loola bilaabo dhammaan dhinacyada gacanta ku haya degaamada ay ku nool yihiin dadka ay dhibaatooyinku haystaan si dib loogu bilaabo loona kordhiyo hawlaha bani’aadamnimada. “Waxaan diyaar u nahay in aan kor u qaadno gargaarna aan ku bixinno koonfurta Soomaaliya laakiin waxaan u baahannahay in la ballanqaado in shaqaalaha bani’aadamnimadu ay si ammaan ah uga shaqeyn karaan degaanka oo aan la bartilmaameedsan doonin ama cashuur laga qaadi doonin hay’adaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mark Bowden.

Joojintii la joojiyey qaar ka mid ah hawlihii bani’aadamnimada ee degaamada koonfurta dalka waxaa labadii sano ee la soo dhaafey ay saameysey malaayiin qof oo ku nool koonfurta Soomaaliya. Waqtigan la joogo, xaaladdu waxaa ay noqotey mid aad u culus abaarta jirta iyo qiimaha cuntada ee aad kor ugu kacay daraaddood taas oo macnaheedu yahay in qoysas badan aaney goyn karin raashin ay mar quutaan maalintii. Ugu yaraan mid ka mid ah saddexdii ilmood ee Soomaali ah ee ku nool qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ayaa ay nafaqo-xumo haysaa waxaana laga baqayaa in ay macluul kooban ay ka jirto degaannada qaar ee aaney gaari karin hawlaha bani’aadamnimada. Tirada carruurta nafaqo-xumadu hayso ee ku nool Soomaaliya oo hore u ahayd 376,000 ayaa korodhey oo gaartey 476,000 nuskii hore ee sanadkan 2011ka waxaana la filayaa in ay tiradaas sii korodho bilaha soo socda. Degaamada koonfurta Dalka ee ay Al Shabaab ka taliso ayaa ay ku nool yihiin ku dhowaad 80 boqolkiiba carruurta ay nafaqo-xumadu hayso.

Nuskii hore ee sanadka 2011ka, ayaa tirada dadka ay dhibaatooyinku soo wajaheen ee sida degdegga ah ugu baahan gargaar bani’aadamnimo ay ku korodhey ku dhowaad 850,000 qof oo gaartey ilaa 2.85 milyan oo qof ama saddex-meelood meel dadweynaha dalka. Xaaladdan sida dhaqsaha badan uga sii dartey waxaa u sabab ah abaarta ba’an, qiimaha cuntada ee sida weyn kor ugu kacaya iyo iskahorimaadka sii socda. Roobabkii baaqdey sanadkan ayaa ay ka dhalatey in cuntada soo go’day ay aad u yaraato. Taasina waxaa ay sababtey in qiimihii badarka (firileyda) uu kor u kacay 270 boqolkiiba qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya marka la barbardhigo qiimihii uu joogey sanad ka hor. Qiimaha guud ee cuntada ayaa sanadkan ay ku korodhey 50 boqolkiiba gobollada koonfureed; taas oo sababtey in cuntada ugu yar ee ay dadku u baahan yihiin ay goyn kari waayaan boqollaal qoys oo Soomaali ah oo horeba gacan u baahnaa. Natiijada taasi ka dhalaneysana waa in qoysas kale oo badan ay soo wajahi doonaan qax iyo culaysyo kale oo ugu sii darsama xaaladdoodii horeba heerka xun mareysey ee quusta taagneyd.

For further information please contact Roberta Russo on russor@un.org or +254 733 643 737 and Abdi Yussuf Noor on nooryussuf@un.org or +254 734 210 103

 

Comments are closed.